Xildhibaanno diidan laagta lagu xiray kuraasta 2016 kadib markii…

Muqdisho (Caasimada online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee doonaya iney dib ugu soo laabtaan xilka xildhibaanada Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay dhaqaalaha lagu xiray musharixiinta dooneysa xubinimada baarlamaanka 2016.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney ka walaacsan yihiin lacagaha faraha badan ee laga doonayo xildhibaanada musharaxa u ah xubinimada baarlamaanka Soomaaliya ee soo socdo.

Xildhibaanka ayaa ugu horeyn sheegay in masuuliyada doorashooyinka sanadkaan ay saaran tahay qof kastaa oo muwaadin Soomaaliyeed, isaga oo kala jeeday in shaqsiyaad gaar ah ineysan masuuliyad ka saarneyd doorashada sanadkaan.

Shariif Maxamed Cabdalle, ayaa wuxuu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in musharaxnimada xildhibaanada lagu xiraa dhaqaalo badan, taasi oo uu sheegay ineysan horey u dhicin.

“Arrinkaa waan arkay waanan la yaabay in dadka lagu kala reebo dhaqaale!, waxay ahayd in lagu kala reebo arrimo kale, Aqoon, waayo aragnimo, taariikh nololeed, garaad ; in lacag lagu kala reebo mid meesha ku jirta maaha, qofkii lacag haysta dalka ha xukumo kaan haysaninna suuqa ha galo ayay u ekaaneysaa”ayuu yiri Xildhibaanka.

“Arrintaas lacagta diiwaan galinta waa in lagu qiyaaso warqadaha daabacadooda; laakiin 5000 oo dollar  sax maaha, aqliga ay ka timidna mid hufan ilama ah, aqli wadaniyad ku jirto maaha, dad si wax u helay ayaa raba in dadka ka dhaqaalaha yar riixaan , kuraasta dalka in dhaqaale lagu xiro maaha”.ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dhawaan ayaa Caasimada online waxay baahisay dhaqaalo loo qorsheeyay in laga qaadaa musharixiinta aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com