Xog: 2 arrin oo loo sababayeey fashilka DF ee amniga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faraha kasii baxaaya amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kadib markii la sheegay in gaabis uu ku imaaday shaqooyinkii loo igmaday Hay’adda NISA iyo Booliska.

Amni darada kusoo kordheysa magaalada Muqdisho oo dhowr nooc isugu jirta ayaa waxaa kamid ah Hubka sharci darada, abaabulka Qaraxyada, Dilalka iyo musuq-maasuqa ay dowlada Somalia ku heyso hanaanka lagu soo xulaayo saraakiisha Hay’adahaasi amniga khuseeya.

Dowlada Somalia, gaar ahaan Taliyayaasha Hay’adahaasi ayaa waxa ay xilalka u magacowdaan dadka iyaga Qaraabada la’ ah, waxa ayna taasi keentay in Saraakiisha laga sugaayay howlaha amni ay si isku haleyn ah uga jiiftaan shaqooyinkooda.

Xafiisyada qaar ee Hay’adaha amniga dowlada Somalia sida NISA iyo Booliska ayaa waxaad ku arkeysaa Saraakiil ah Taliye xafiis iyo ku-xigeenkiisa kuwaasi oo qaraabo ah misna hal beel kasoo wada jeeda, halka xafiisyada qaar shaqaalaha ka shaqeeya ay yihiin kuwo hal qoys kasoo jeeda.

Taliyayaal iyo Saraakiil qeysas wada dhashay kasoo jeeda ayey u muuqataa in dowlada Somalia ay ka sugeyso in dib loo soo celsho amniga Muqdisho, waxa ayna taasi qeyb ka tahay fashilka dowlada Somalia ka heysta dhanka Amniga.

Sababta koowaad ee fashilka amniga ayaa ah in dowlada Somalia ay amniga Muqdisho ku saleysay qaab qabiil, halka laga doonaayay in Hay’adaha amniga ay ahaadan kuwo aan la xiriirin qabyaalada.

Sababta labaad ee fashiliyay amniga ayaa waxaa kamid ah in Taliyayaasha iyo Saraakiisha ay yihiin kuwo aan laheyn tababaro ku filan, halka qaarkood qaab qabiil ku qaaten darajooyinka ciidan oo ay wataan, waxa ayna dhammaan dhaliilahaasi fashil u yihiin Hay’adaha amniga dowlada.

Dhammaan dhaliilaha iyo Fashilka dowlada Somalia ee is biirsaday ayaa soo dadajiyay in magaalada Muqdisho ay saldhig u noqoto Kooxaha xagjirka ah ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com