Xog: DF oo isku khilaafsan sidii laga yeeli lahaa wararka la siiyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in khilaaf uu ka dhextaagan yahay Afhayeenada Wasaarada Amniga iyo kan Gobolka Banaadir, kadib markii ay isku qabteen cida la hadleysa Saxaafada marka uu dhib dhaco.

Afhayeenka Wasaarada Amniga C/kaamil Macalin Shukri , ayaa sheegay in haddii ay wax dhacaan keliya ay faahfaahin karto Wasaarada Amniga, wixii intaa kasoo harana ay yihiin kuwo aan la xigan karin hadalkooda.

C/kaamil Macalin Shukri, waxa uu sheegay in wixii khuseeya amniga dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ku shaqa leedahay Wasaarada, sidaa darteedna Saxaafada looga baahan yahay inay lasoo xiriiraan haddii ay u baahdaan inay wax ka ogaadan amni darro jirta, weerar dhaca ama mid la fashiliyay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa isna sheegay in wixii ka dhaca Gobolka Banaadir uu xaq u leeyahay in isaga oo qura wax laga weydiiyo waxa uuna sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu yahay kan saxda ah ee arrimaha Gobolka ka hadli kara.

C/fataax Cumar Xalane, waxa uu Saxaafada ugu baaqay in isaga lagala soo xiriiro haddii ay jiraan waxyaabo ay saxaafada u baahato in la turxanbixiyo, bacdamaa uu yahay Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Labada Afhayeen ayaa midba sheegay in isaga lagala hadli karo wixii khuseeya amniga, waxa ayna taasi imaaday kadib markii Saxaafada Muqdisho ay xogaha amniga la kala wadaagen labadaasi Afhayeen.

Mid waliba waxa uu gooni u riixay midka kale waxa uuna isku aqoonsaday inuu yahay kan saxda ah, waxa ayna tani horseeday khilaaf soo kala dhexgalay labada Afhayeen ee makaroofanka u kala sida Wasaarada Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Is qabqabsiga labada Afhayeen waxa ay hoos u dhigtay shaqada la xiriirta amniga, waxa ayna labaduba ku dhaqaaqen in mid waliba uu si maalayacni ah Saxaafada ugu bayaaniyo howlaha amniga si uu usii jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com