Garyaqaan Nasteex: Aqalka sare ayaan u taaganahay (Daawo).!!

Garyaqaan Abdi Maxamed Farah “Nasteex” oo ka mid ahaa xubnihii maxkamada sare ee dalka Soomaaliya u xukuntay 4 sano ka hor kursi baarlamaan kadib dacwad ay beeshiisa u gudbisatay maxkamada ayaa iminka mar kale warbaahinta kasoo muuqday.

Garyaqaan Abdi Maxamed Farah oo la hadlayey telefishinka Somalicable xaruntiisa London ayaa waxaa uu sheegay in beesha uu kasoo jeedo ee Reer Siyaad Xuseen maxkamada sare ee dalka Soomaaliya u xukuntay kursi baarlamaan, inkastoo uusan go’aankaasi meelmarin.

“Aniga oo ah Garyaqaan AbdI Maxamed Farah “Nasteex”, oo kasoo jeeda beesha Reer Siyaad Xuseen ee deggan Galmudug iyo Gedo, waxaan musharax u ahay hanashada kursiga aqalka sare ee federaalka” Ayuu yiri Abdi Maxamed intaasi raaciyey :

” Waxaa xasuus mudan in , 19-09-2012, ayaa maxkamada sare ee dalka Soomaaliya ii xukuntay kursi baarlamaan oo ah beesheyda reer Siyaad Xuseen, waxaase go’aankaasi inuu hirgalo hor istaagay guddoonka sare ee dalka, sababa la xiriira inay baqdin ka qabeen burbur soo gaara baarlamaanka, maadaama ay ku jireen xubno baarlamaan oo si sharcidaro ah kusoo galay”  ayuu yiri Garyaqaan Abdi Maxamed Farah.

Waxaana uu ugu baaqay shacabka iyo guddoonka gacanta maanta ku haya doorashada 2016 inay cadaalada u hiiliyaan, islamarkaana ay wixii qaldamay dib u saxaan.

“Haddaba, waxaan guddoonka sare iyo bulsha weynta Soomaaliyeed ugu baaqayaa in marxaladan maanta ah sharciga laga sare mariyo wax walba, cadaaladana loo hiiliyo”  ayuu yiri Garyaqaan Abdi Maxamed Farah.

 Musharaxan ayaa waxaa uu ka mid noqonayaa siyaasiyiinta baryahan danbe isku soo taageysay xilalka aqalka sare, oo ah mid ku cusub dalka Soomaaliya, balse noqon doona aqal ku yimaada qaab deegaameysi ah.

Go’aanka maxkamada sare ugu xukuntay garyaqaan Abdi Maxamed Farah “Nasteex” kursiga baarlamaan isaga iyo beeshiisa, ayaa waxaa 4 sano ka hor laga soo dhaweeyey magaalada Cabudwaaq, halkaasi oo lagu qabtay dibadbaxyo ballaaran oo lagu muujinayo taageerada go’aankaasi.

Ugaas Taakooy ayaa inta ay socotay maxkamadaasi kasoo muuqday maxkamada, isagoona wax laga weydiinayey dacwada uu Garyaqaan Abdi Maxamed Farah iyo beeshiisa kasoo gudbiyeen. Lamana yaqaan inuu sanadkana go’aankii maxkamada gees ka maro iyo inuu fuliyo.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WAREYSIGA IYO MUUQAALKA MAXKAMADA AY ISLA KOREEN GARYAQAAN ABDI MAXAMED IYO UGAAS TAAKOOY:

Dhinaca kale, go’aankii maxkamada sare kasoo baxay ee cadeynta u ahaa kursiga loo xukumay beesha Reer Siyaad Xuseen iyo Garyaqaan Abdi Maxamed Farah Nasteex” waxaa kasoo xiganay oo ay ku keydsan yihiin warbaahinta Allgedo.com. Halkan hoose ka eeg :

Siyaad Xuseen Siyaad Xuseen 1 Siyaad Xuseen 2