Daawo sawirro: Mas’uuliyiin ku dhintay shil gaari oo aad u culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa shil gaari oo uu maanta galay Guddoomiyaha Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir Axmed Nuur Cabdi Siyaad iyo ilaalo uu watay.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa xaqiijiyey geerida labo askari oo gaariga la saarneyd Gudoomiyaha Deyniile iyo sidoo kale dhaawaca ku dhawaad 5 Askari.

Shilka ayaa waxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray Gudoomiyaha degmada Deyniile Axmed Nuur Siyaad, sida ay sheegen Saraakiisha.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegtay in gaariga oo xowli ku socday ay lug u baxday sidaasna uu gaariga ku rogmaday.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
shil 1

shil 2

shil 3

shil 4

shil 5