Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin sir ah oo kasoo baxday guddi ay taageraan dowladdaha deeq bixiyaasha ah ee Soomaaliya taageera ayaa lagu sheegay in dhamaan heshiisyadii ay saxiixday Dowladda Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay aysan sidii la rabay u fulin waxana ay ku baaqeen in heshiisyadaasi la laalo ama dib u eegis lagu sameeyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa heshiisyo badan waxa ay la gashay shirkado ajaaniib ah kuwaasi oo qaarkood ay maamulayaan xarumaha waa weyn sida Dekada iyo Garoonka diyaarahada magaalada Muqdisho iyadoo ka door biday shirkado Kalluumaysi, waxana hay’adaha deeq bixiyaasha ay muujiyeen sida loo maamulo lacagaha guud ee shirkadaasi laga helo taasi oo ku qasabtay in guddi ay u saran baaritaan heshiisyadaasi waxyaabihii ka dhaqan galay.
Warbixintaani oo ay soo saaren guddiga maamula lacagaha soona baxay bishii tagtay waxa ay gudiga ay soo ogaadeen 9 ilaa 11 qanadaraas oo ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkado aysan marin waddada saxda ah ee ku saleysan tartanka.
Gudigaasi ayaa ka koban 6-xubnood oo ay soo doorteen bankiga aduunka sanduuqda lacagta caalamiga bankiga hormarinta Africa iyo kuwa kale oo ay soo dooratay xukuumada Soomaaliya.gudiga waxa ay sheegen in xukuumada Soomaaliya ugu baaqeen in si sir ah ay ku laasho balamada qaar ay soo gashay hadana sidii la rabay aysan u fulin ama dib u eegis ay ku sameyso si ay uga soo baxdo sharuudaha heshiisyadaasi.
Xogta kooxdaani ay soo saareen ayaa waxaa ka hadlay xukuumada Soomaaliya waxana ay sheegtay in talaabo ay qaadi doonto, ayada oo wasiiru dowlaha maaliyada Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Nuur uu sheegay in wax ka badalka heshiisyadasi ay ku jirto danaha shacabka Soomaaliya.
Guddiga ayaa sidoo kale soo jeediyay in la laalo heshiiska shirkada IOM ee Batroolka qaabilsan oo heshiiskeedu dhacay sanadii 2013-kii waxana ku xusan iibinta 6-doomo oo dheereya lacagteedana ay ku kacayso 150million oo doolar, waxna guddiga ay ku andocoonayan in lacagahasi ay badan yihiin marka loo eego miisaniyada dowladda Soomaaliya oo aan ka badneyn 216-million oo doolar.
Ugu dambeentii gudigaasi ayaa waxa ay soo jeediyeen in xukuumada Muqdisho ay dib ugu laabato heshiiska ay la gaartay laba shirkadood oo laga leeyahay dalka Turkiga kuwaasi oo maamulaya Dekada iyo Garoonka halkaasi oo ah meelaha lacagta badan ay ka hesho xukuumada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]