Caalamka oo ku wareersan siyaasada Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga magaalada Muqdisho, ayaa walaac ka muujineysa Siyaasadaha uu adeegsanaayo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia, Michael Keating, ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay walaac gaar ah ka muujineyso mashquulka Madaxda Somalia ee la filaayay inay u guda galaan howlaha la xiriira doorashada ee iminka horyaal.

Michael Keating waxa uu sheegay in DFS ay dhowr jeer u gudbiyeen qoraalo ay ku muujinayaan mas’uuliyada ka saaran doorashada iyo u gudagalida howlaha doorashada, balse aynan muuqan dadaalkii lagu dardar galin lahaa dhammaan howlahaasi.

Michael Keating, waxa uu Tilmaamay in Beesha Caalamka aysan wanaag u arag in faragalin iyo cadaadin joogta ah ay ku sameyso madaxda Somalia, balse haddii uu arrinku sidaa kusii socdo ay ku qasbanaanayaan inay gacanta la galaan.

Michael Keating waxa uu sidoo kale, sheegay in Howsha DFS ay cagaha kala bixila’ dahay Khilaaf iyo is qabqabsi hayeeshee taasi aysan horseedi karin in Somalia ay ka gudubto dhibta heysata.

Geesta kale, waxa uu xaqiijiyay in Beesha Caalamka ay wali shaki ka qabto Howlaha Madaxtooyada Somalia horyaal iyo mas’uul darida ka muuqata madaxda Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com