Beesha Caalamka oo RW Saacid u gudbisay tiro wasiiro iyo hal beel darteed oo ay wax u xayiran yihiin.

Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maalmihi ugu danbeyay ku jiraay la tashiyaadi ugu danbeyay ee uu ku doonayo in uu ku soo magacaabo golaha wasiirada Somalia.

R/wasaaraha ayaa waxaa cadaadiska ugu weyn uu ka saraan yahay dhanka beesha caalamka oo ayagu ku doodaya in aysan dhaqaale u hayn wasaarado magac u yaal ah.

Beesha Calamka ayaa waxa ay ra’iisul wasaare Saacid u soo jeediyeen inuusan soo magacaabin wax ka badan 10 wasiir oo ah kuwa ugu muhiimsan ee Marxaalada Somalia hada ay ku jirto la jaanqaadi kara.

Beesha Calamka waxa ay sidoo kale soo jeedisay in Wasaaradaha la isa saar saaro, oo halki wasiirba 2 ila 3 Wasaaradood la iskugu daro, islamarkana la magacaabo Xoghayeyaal awood leh oo u shaqeeya sida Wasiirada oo kale.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa isku dayay in uu ka dhega adeygo soo jeedinta Beesha Caalamka, balse waxaa lagu cadaadiyay inuusan soo magacaabin wax ka badan 10 wasiir.

Kulanki ugu danbeyay ee Saacid loogu sheego in uu soo koobo Golahiisa wasiirada, ayaa waxaa uu ahaa kulan uu la qatay wakiiilka QM u qabiilsan ardimaha Somalia Ambassador Mahiiga, waxaana ugu danbeyn kulankaas oo ay wada jogeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha la isla qatay in la koobo golaha Wasiirada.

arrinta kaliyah ee hada shaacinta golaha wasiirada ay u xayiran yihiin ayaa ah Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo isku haya hal wasiir oo ka mid ah Wasiirada beesha Hawiye qabiilka la siinaayo.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu qaba in labada Wasiiir ee beesha hawiye la kala siiyo Habargidir/Sacad iyo Xawaadle, halka Ra’iisul wasaaraha uu qabo in labada Wasiir ee Beesha Hawiye midna la siiyo beesha Sacad midna la siiyo Beesha Murursade, oo uu ku doodayo inay miisaan ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Waxaa jiray kulan arrinkaas lagu xalinayo oo xalay labada Masuul ay u balansanayeen balse ma cada in kulankaasi dhacay iyo cida la go’aamiyay in ay qadato wasiirka la isku haysto.

Dhanka kale, Baarlamanka Somalia ayaa manta laalay qodob Madaxweynaha awood u siinayay inuu kala diri karo Barlamanka Somalia, haddii ay labo jeer ku soo celiyaan wasiirada Cusub ee Somalia.
———————————–
Muuse Jaamac
Muqdisho-Somalia.