Beesha Caalamka oo shaacisay inaysan taageeri doonin natiijada doorashada Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka QM ee Soomaaliya, James Swan ayaa qoraal jawaab ah u diray guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, Xamza Cabdi Barre taasi oo la xiriirtay go’aankii guddiga uu shakay ku dhowaaqay ay dib ugu fureen is-diiwaan gelinta musharaxiinta madaxweynaha, islamarkaana saddex maalmood ay dib ugu dhigaan doorashada madaxweynaha.

Tallaabada guddiga ayaa jawaab u ahayd codsi ka yimid beesha caalamka, hase yeeshee wakiilka QM ayaa sheegay inuusan ku qancin tallaabooyinkaas.

James Swan ayaa warqaddiisa ugu sheegay Xamza in isbeddelada guddiisa ay sameeyeen aysan weli buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado, si loogu kalsoonaado hannaanka doorashada Jubaland.

“Warqaddeeni 8-da August, ee aan kuu soo diray aniga oo wakil ka ah saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxaan ku adkeynay muhiimadda hanaan doorashada oo cad, la isku raacsan yahay, la isku haleyn karo , islamarkaana heli kara taageerada dadka Jubaland oo dhan, horseedi karana midnimada bulshada Jubaland.” Ayuu yiri Swan.

Wakiilka QM ayaa sheegay in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland.

“Haddii aan wax laga qaban walaacyada muhiimka ah ee ay qabaan dhinacyada ay quseyso arrintan, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubaland. Waa muhiim in hanaanka doorashadu noqdo mid loo dhan yahay, kuna dhaca jawi horseedi kara horumar laga sameeyo arrimaha siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha” ayuu yiri.

Swan ayaa ugu baaqay Xamza inuu sameeyo is-beddelo dheeri ah ka hor inta aysan dhicin doorashada, “si waafaqsan waxyaabihii aan ka wada-hadalnay, iyo kuwii aan warqadda kugu soo diray.”

Hoos ka aqriso warqadda Swan