Beesha caalamka oo shir la yeelaneysa Farmaajo, una gudbineysa farriin ah inuu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha wakiilada Beesha Caalamka ayaa la filayaa in gelinka dambe maanta ay kulan gaar ah la yeeshaan madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo kaas oo ku qabsoomay aalada fogaan araga, sida aan xogta ku helnay.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu soo qaban-qaabiyey xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM, isla-markaana looga hadlayo xaaladda cakiran ee Villa Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa u sheegay Caasimada Online in Beesha Caalamka Farmaajo la wadaagi doonto farriintii ugu dambeysay ee ku aadan xiisadda taagan, gaar ahaan inuu faraha kala baxo arrimaha doorashooyinka oo uu mas’uulka ka yahay Rooble.

Cadaadiska Beesha Caalamka ee la saarayo Farmaajo ayaa lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda hareysay Villa Soomaaliya ee saameysay hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Beesh Caalamka ayaa kulanka Farmaajo, kadib la xiriiri doonto ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay kala hadli doonto sii wadista doorashada Golaha Shacabka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa horey u shaaciyey in aan la aqbali karin xiisadda taagan, waxayna soo dhoweysay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu iclaamiyey Rooble.

Sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka ayaa sheegay inay tahay in la dhammeystiro doorashada, lana dadajiyo kuraasta ka harsan baarlamaanka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli Villa Soomaaliya ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay khilaafka Farmaajo iyo Rooble, kaas oo saameyn siyaasadeed ku yeeshay dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: