Beesha caalamka oo talaab qaadeysa kadib heshiiskii mucaaradka iyo Rooble

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha caalamka ayaa qaadeysa tallaabo kale oo loogu sii gudbo wajiga labaad ee hirgalinta heshiisyada doorashada kadib markii ay ku guuleysteen iney isu keenaan xukuumadda xil-gaarsiinta iyo midowga musahraxiinta.

Wakiilada beesha caalamka waxaa ka go’an iney si dhaqso leh isugu keenaan madaxda DF iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo dhameystiro heshiiskii ay wada gaareen guddigii farsamo ee Baydhaba ku shiray 15-kii ilaa 16-kii February 2021.

Wakiilada waxey maalmahii lasoo dhaafay wadatashiyo la qaateen madaxda Jubbaland iyo Puntland kuwaas oo si weyn u diidan waxyaabaha jira, sidoo kalana shuruudo ku xiray iney kasoo qeyb galaan shir loo wada dhan yahay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa noo sheegay in beesha caalamka ay gacanta ku heyso shuruudo badan oo dhinacyada ka yimid, isla markaana ay raadineyso xal dhex-dhexaad ah oo ay koox walba ku qanci karto.

Puntland waxey soo gudbisay 8 shuruud oo ay kaga qeyb gali karann shirka wadatashiga doorashooyinka, sidoo kalana Jubbaland ayaa iyana asoo saartay shan qodob oo xasaasi ah.

Maadaama beesha caalamka ku guuleysatay iney isu keento xukuumadda xil-gaarsiinta iyo midowga musharaxiinta oo ka heshiiyay arrimo u dhaxeeyay oo ku qotoma dhacdooyinkii dhacay 19-kii Februry, hadana markaan waxey doonayaan iney wajiga labaad u gudbaan.

Wakiilada waxey doonayaan iney muddo dhaw shir isugu keenaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, si loo jiheeyo arrimaha doorashooyinka loona qabto doorasho furan oo la isku raacsan yahay.