Beesha caalamka oo war kasoo saartay heshiiskii mucaaradka iyo xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal goordhow ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyey heshiiskii ka koobnaa lixda qodob ee ay gaareen xukuumadda xil-gaarsiinta iyo golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kaas oo lagu cadeeyey in xukuumaddu raali gelin ka bixisay, guddi baarana loo saaray wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishan Febraayo.

Sidoo kale heshiiskaas waxaa lagu cadeeyey in dib loo dhigay banaanbixii ay midowga musharaxiintu u qorsheeyeen inuu dhaco Jimcaha berri ah ee 26-ka Febraayo, waxaana tallaabooyinkaas soo dhaweysay beesha caalamka.

“Beesha Caalamka ee Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa heshiiska ay ku dhawaaqeen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, hogaamiyaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Banaadir, iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, oo ah talaabo wanaagsan,” ayaa lagu yiri.

Qoraalka beesha caalmka ayaa intaas ku sii daray, “Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay bogaadinayaan talaabadan, taas oo dan u ah muwaadiniinta Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya, waxayna ku boorineysaa dhamaan dadka ku lugta leh inay sii wadaan ka qeyb qaadashada dhaqaalaha, si wax looga qabto arrimaha kale ee harsan, iyadoo loo marayo tanaasul iyo niyad wanaag.”

Beesha Caalamka ayaa door aan qarsooneyn ka cayaareysa isu keenidda dhinacyada Soomaalida ee ku heshii la’ doorashada dalka, waxayna maalmihii dambe gadaal ka riixeysay qabsoomidda kulanka lagu gaaray heshiiskan oo muhiim u ahaa dadka reer Muqdisho.

Wal-wal iyo cabsi badan ayaa ka jirtay magaalada Muqdisho intii aan la gaarin heshiiskan, maadaama uu mucaaradku iclaamiyey banaanbax, halka dowladuna ay si cad u diiday in la dhigo banaanbaxaas, waxaana laga cabsi qabay isku dhacyo hor leh oo ay marti geliso Muqdisho.

Hoos ka akhriso qodobada heshiiska