Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoonada kasoo jeeda Deegaanada maamulka Puntland ayaa dhaliilay qaabka ay Wakiilada Beesha Caalamka dhex dhexaadinta uga dhex wadaan Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland.
Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo kamid ah isimada Puntland ayaa sheegay in Ujeedka Socdaalka Beesha Caalamka ee Garoowe uu ahaa in xal laga gaaro qodobka 4.5, balse uusan aheyn inay cadaadiso Puntland.
Garaadka waxa uu sheegay in Beesha Caalamku aysan dhab ka aheyn dadaalka ay wado, waxa uuna sheegay in si cad oo ganbasho la’aan ah ula safteen Dowlada Somalia, islamarkaana ay ka hiiliyen Puntland.
Waxa uu sheegay in dhibta ka dhextaagan Dowlada iyo Puntland uu sabab u yahay wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, waxa uuna ku eedeeyay inuu sii kala fogeynaayo labada dhinac.
Garaad Cabdulaahi Cali Ciid waxa uu sheegay in xiligii uu joogay Kay uu waxbadan dhibaato keenay balse aysan juuq u dhihin, iminkana aysan aqbaleynin in Michael Keating oo sida uu doono ka yeelo Somalia.
Shirkii wadatashiga qaran ayaa u sheegey in mowqifka Puntland soo gudbisay markii la diiday Puntland ay shaacisay inay diiday wixi kasoo baxay waxa uuna xusay in Michael Keating markiiba uu beesha caalamka u gudbiyay in Soomaali ku hishisay 4.5.
Markii uu garowe yimid ayaa uu sheegey inuu xambaarsanaa fikirkii 4.5 balse laga diiday waxyaalaha uu la yaabay garaadka ayuu sheegey isagoo Michael Keating og in Puntland diiday arinkaa ayuu markale tabiyay in Soomaali Qadatay 4.5.
Dhinaca kale, Garaad Cabdulaahi Cali Ciid waxa uu ku baaqay in Dowlada Somalia aysan Umadda Soomaaliyeed ku haligin waxa loogu yeero 4.5.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

