Beesha Cadaado oo shaaca ka qaaday laba arrin oo uu Farmaajo u ballan-qaaday oo ay doonayaan in la fuliyo

Cadaado (Caasimada Online) – Odayasaha iyo waxgaradka beesha magaalada Cadaado oo maanta kulan yeeshay ayaa baaq iyo farriin u diray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo inuu tago magalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu soo xiro shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa madaxweyne Farmaajo waxaa ay ka dalbadeen laba qodob oo kala ah:

1 – In uu fuliyo balantii uu ka qaaday ee ahaa in xarunta baarlamaanka Galmudug ay noqoto magaalada Cadaado.
2 – In doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug lagu qabto magaalada Cadaado.

Sidoo kale odayaasha iyo waxgaradka beesha Cadaado ayaa markale waxaa ay ku celiyeen inaysan qeyb ka aheyn shirka Dhuusamareeb, islamarkaana aysan ka qeyb-galeen doorashada Galmudug ilaa iyo inta laga fulinayo dalabkooda.

Waxgaradka iyo odayaasha ayaa sheegay in aysan kasoo horjeedin dowladnimada iyo dhismaha Galmudug, hase yeeshee ay dalbanayaan balantii madaxweyne Farmaajo uu ballan qaaday, xilli uu ku sugnaa magalada Cadaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 21-kii bishii Maarso ee sanadkii 2018 waxa uu magaalada Cadaado u magacaabay inay noqoto xarunta baarlamanka Galmudug.

Hoos ka dhageyso codadka qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com