Saldhiggii Berbera wuxuu raacay isbedalka Imaaraadka ee dhinaca istaraatiijiyadda

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay hadalkii Madaxweynaha Somaliland ee uu dhowaan ku shaaciyay in Madaarkii Berbera uu noqon doono mid ay adeegsadaan dadka shicibka ah.

Waddani ayaa sheegay in is-bedel weyni ku yimid Istaraatijiyadii Imaaraadka, midaasi uu ku macneeyay in dantii uu Berbera ka lahaa ay wax weyn iska badaleen, sidaasina uu ku yimid hadalka Madaxweyne Biixi.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi looga baahanyahay inay dadweynaha reer Somaliland si cad ugu sharaxdo waxyaabihii iska badalay heshiiskii ay hore ula galeen dowladda Imaaraadka Carabta.

Xoghayaha ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha looga fadhiyo in uu banaanka keeno heshiiskaasi oo uu sheegay in mad-madow badan uu hore ugu jiray, isla markaana loo baahanyahay in madowga laga saaro haddii wax ka badal lagu sameeyay, wuxuuna yiri

“Heshiis beynu Imaaraadka ku wada jirnay, heshiisku siduu doonaba ha ku bilaabmo, wuxuu ahaa in Madaarka Berbera uu saldhig Millateri u noqdo dowladda Imaaraadka, markaa arrintaasi maxa iska badalay, ma dhankeena ayey wax iska badaleen?, mise dhanka dowladda Imaaraadka iska badaleen?, sidey wax u jiraa?, su’aalo faro badan bey u baahantahay oo ay tahay in dowladda iyo madaxweynuhu ay ka jawaaban”.

“Sida muuqata Isbedel xagga istaraatijiyada oo siyaasiyan ah oo Imaaraadka ayaa jiraa, weyna cadahay. Siyaasadii arrimaha dibeda ee Imaaraadkuna waxay wadaa dibu qaabeyn, midaasi oo saameyn ku yeelanaysa danihii ay hore u lahaayen dowladda Imaaraadku”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Isbadelada Istiraatijiga Imaaraadka ayuunba u muuqda in uu arrintana qeyb ka yahay, oo saameyn ku leeyahay. Innaguna haddii aan iskala daala dhaceyno oo aynu mareyno halka ay marto dabaysha danaha dalalka kale, waxay ku fiicneed ugu yaraan in dadka ay u sharaxaan sida ay wax u dhaceen, midaasi oo ah waajib ay ku leeyihiin Madaxweynaha”.

“Waa in dib loo eego Heshiiskii oo dadka loo sharaxo, loona sheego, oo ayna sanduuq madow ku jirin, sidii uu markii horeba uu sanduuq madow ugu jiray, oo himikana aan lagaga bixin sanduuqii madoowa ee heshiisku ku jirey, waa in dadka loo sheega haddii uu wax iska badalay heshiiskaasi”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com