Beesha Celi oo qaadacday guddiga xalinta colaada Cadale iyo xildhibaanadii beesha oo…

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Mudooyinkii u danbeeyay waxaa colaad hoosaad u dhaxeysa labo beelood oo walaalo ah ay ka taagneyd deegaano ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, dagaaladaasi oo noqday kuwo soo noqnoqday ayaa waxaa soo faragelisay wasaaradda amniga oo guddi u saartay xalinta colaadaasi.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow oo beel ahaan kasoo jeeda mid ka mid ah labadaasi beel ee dagaalada u dhaxeeyo ayaa magacaabay guddi ka kooban 20 subnood, waxaana guddigaasi 17 ka mid ay kasoo jeedaan beesha Harti Abgaal halka sedaxda xubnood kale ay kasoo jeedaan beesha Wacbuudhan.

Arrinta dhexdhexaadnimada ka bannaan ayaa noqotay in beesha Harti Abgaal jufo ka mid ah loo magacaabo 17 xubnood halka beesha kale ee dagaalka kala soo horjeeda xitaa aan hal xubin ku laheyn guddigaasi marka laga reebo seddaxda xubnood ee kasoo jeeda beelaha Daa’uud, Maxamed Muuse iyo Kabaale.

Beesha Celi Cumar ayaa qaadacday guddigaan, waxayna ku eedeysay wasiirka amniga in uu baal maray dhexdhexaadnimadii iyo mas’uuliyadii ay dowladda usoo igmaday, isagoo magacaabay 20 guddi oo 17 ka mid ah ku beel ah, isla markaana beesha dagaalameyso ay tahay guddiyada uu magacaabay.

Ugaaska Mudullood ee aan la caano shubin, Maxamuud Cali Ugaas iyo Imaamka isna la caana shubin ayey beesha Celi Cumar u aragtaa howsha ay wadaan inaysan aheyn mid dhexdhexaad ah maadaama beesha dagaalka ku jirta 17 gudiga xalinta colaadaasi iyadu tahay halka beesha kale ee Celi Cumar wax xubin ah ku laheyn.

Xildhibaanada beesha Galmaax ku madaleysa baarlamaanka feederaalka Somalia, kana soo jeeda beesha Celi Cumar, Mina Xasan Shibis ayaa howshii iyo kaalintii ay ugu bannaaneyd booskaan muuqan, waxayna arrintaan ay ka tahay bannaanka iyadoo aan muujin mus’uuliyadii ay beesha u hays.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com