25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Beesha Galmaax oo war culus kasoo saartay xilalkii shalay loo magacaabay kuna dhawaaqday in DF ay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimadda Online) – Shirweyne beesha Galmaax ugu socday magaalada Muqdisho seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa maanta lasoo gabaabeeyay, waxaana shirkaasi oo looga hadlayay aaya ka talinta iyo mustaqbalka beesha Galmaax laga soo saaray war-murtiyeed ka hadlaya mowqifka ay ka taagan yihiin dowladda cusub iyo saami qeybiga ay ka heshay dowladda, iyo in ay ka fiirsaneyso taageerida dowladda. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan

SHIRWAYNAHA WADA TASHIGA BEESHA GALMAAX YOONIS

MUQDISHO, 5—7 APRIL 2017

07/04/17

WARMURTIYEED

Shirweeyne ay isugu yimaadeen beel-waynta Galmaax Yoonis oo soconayay 5 ilaa 7 bisha April 2017 kana quay galeen duubaka dhaqanka, culumu’idiinka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, haweenka iyo dhalinyarada oo ay uga doodayeen arrimaha kala ah Siyaasadda, Dhaqan-Dhaqaalaha, Deegaanka, Bulshada iyo dib u hishiisiinta ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Hooyga uu Muqdisho ka degan yahay Malaaqa Beelaha Galmaax Yoonis.

Mabaad’iida asaasiga ah ay beeshu aaminsantahay;

  • Soomaalinimo, Dowlad jaceel iyo wadniyad
  • Ilbaxnimo iyo la tacaamulka wanaagsan ee bulshda kale
  • Garab istaagga doowladnimada iyo ka go’anaanta danta guud ee umadda
  • Gogol u noqosho dhammaan umadda soomaaliyeed

Beeshu Galmaax Yoonis oo ah garabka ugu balaaran Wacbuudhan Abgaal waxa ay ka mid tahay beelaha ugu waawayn ee daga Gobolada Banaadir, shabeelaha Dhexe iyo Shabeelada Hoose. Waxa ay beeshu caan ku ahayd in ay safka hora kaga jirto hoggaaminta dalka laga soo bilaabo xornimadii dalka 1960 kii. Mudadii doowladdii rayidka 1960 ilaa 1969 waxa ay beeshu matalaad siyaasdeed ee kuraasta xildhibaanada ku lahayd ilaa sedex (3 ) xildhibaan oo laga soo kala doortay magaalooyinka Jowhar, Cadale, iyo Balcad/Banaadir. Laga soo bilaabo dowladdii KM ee Carto beeshu waxaa si aan cadaalad ahayn loo siiyay hal (1) xildhibaan kaasoo aan sax ku ahayn saamigii ay mudnayd beeshu.

Dowladdii 2012 ilaa 2016 waxa ay si ula kac ah u beegsatay beesha  kana qaaday  xilal farabadan oo ay ka mid ahaayeen Wakiilkii Soomaaliya ee Midowga Yurub ahaana Safiirkii Talyaaniga (Ex Ra’isul wasaare Nuur Cadde, Safiirkii Kenya (Amb Ameriko), Qunsulkii Turkiga (Xuseen Maxamuud), Guddoomiyihii Gobolka Banaadir (Gen Muungaab) iyo agaasimayaal guud oo ee ka kala ahaa wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo tan Gaadiidka. Dhammaan xilalkaasi beeshu laga qaaday looguma badalin xilal kale balse waxaa loo dhiibay dad ka soo jeedo beelo kale.

Dowladda cusub ee Farmaajo 2017 waxa ay ku biloowday dhaqan aan ka fogayn midi dowladii ka horaysay iyadoo golaha cusub ee wadiirada ay beeshu ka dhax muuqan waysay sidaasoo kalane kurisigii deegaanka ahaa ee hogaaminta Maamulka G/Banaadir maalintii shalay ahayd la hareer marshay taasoo ka soo horjeedo sharciga dhismaha maamulada Gobolada dalka ee sheegayo in lagu saleeyo hogaaminta maamulada gobolada dalka U DHASHAY oo sheegaysa in dadka asal ahaan ka soo jeedo deegaanka ay iyagu xaq u leeyihiin in ay maamulka deegaanka madax ka noqdaan.

Hadaba, Beeshu markii ay qaateen ilaa 3 maalin oo xiriir shir ah kana doodeen  arrimo farabadan oo ay ka mid ahaayeen Siyaasadda, Dhaqan-Dhaqaalaha, Deegaanka, Bulshada iyo dib u hishiisiinta waxa ay beeshu ka soo saartay warmurtiyeedka hoos ku xusan.

  • Ugu horayn beeshu waxa ay sidii lagu yiqiinayba cadeeynaysaa in ay ka go’antahay garab istaagga dadaalada lagu dhisaayo dowladnimada dalka laguna soo celinaayo sharafkii umadda soomaaliyeed ku lahayd qaaradda Afrika iyo caalmakaba
  • Beeshu markii ay aragtay sida ay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo u hareer martay baaqyadii beesha ee ahaa in uu siiyo saamiga siyaasadeed ay u qalanto , waxa ay beeshu ka faiirsan doontaa dibna uga fikiri doontaa  taageerada Dowladda Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre
  • Beeshu waxa ay qaadi doontaa si deg deg ah tilaab walba oo ay ku xaqiijinayso in ay hesho xuquudeeda siyaasadeed ee saamiga awood qaybsiga dalka heer qaran, mid dowlad goboleed iyo dowladaha hoose ee dalka.
  • Beeshu waxa ay u aragtaa xilalka maalintii shalay la sheegay in  loo dhiibay mas’uuliyiin beesha ka mid ah ee kala ah Mareeyayaasha Garoonka diyaaradaha iyo Dekada Muqdisho in ay yihiin xila deegaan ah ee la mid ah kuwa kale ee gobolada dalka sida loo qaybsho loona qaadan Karin xilal siyaasdeed ee lagu masllixi karo Beesha.
  • Beeshu waxa ay moowqif adag ka qaadan doontaa sii ahaanshaha Muqdisho Caasimad ahaan maadaama beeshu ay tahay deegaankeeda Banaadir balse ay ku waysay xuquuqdeeda matalaad sida qoondadii dastuuriga ahyd ee lagu qaybin lahaa kuraasta aqalka sare halka 3 dii kursi ee qoondo ahaan ku soo aadi lahayd Banaadir  si cadaalad darro ah loo siiyay gobolo kale taasoo si cad loogu hareer maray dastuurka dalka
  • Beeshu waxa ay ka digaysaa isku day walba ee lagu boobayo kheyraadka dabiiciga ah ee deegaanda beeshu degto sida Dekadaha Ceel-Macaan (Warshiikh) iyo Malable (Cadale). Howlgalin walba ee laga samaynayo dekadahaasi waxa qasab ah oo gor-gortan laga gali doonin  in ay beeshu noqoto cidda lagala tashanayo maamul ahaan iyo lahaashaha ilahaasi dhaqaale
  • Maadaama ay beeshu ka daashay dalbkii ahaa in la helo Maqaamka Caasimadda si xuquqda matalaadda siyaasadeed loo helo, waxa ay beeshu si rasimi ah ku baaqaysaa in dadka dega G/Banaadir u diyaar garoobaan ayaa ka tashigooda ah in ay dhawaan samaysan doonaan maamul goboleed u gaar ah ee xaqiijiya matalaadooda deegaan, siyaasad iyo dhaqaale intaba
  • Beeshu waxa ay ugu baaqaysaa dadka ka soo jeedo deegaanada ay degto in ay u istaagaan nabadda iyo in si ku dhisan wada noolaasho loo wada daganaado deegaanada. Sidoo kale beeshu waxa ka go’an in ay taageerto dadaalada dib uhishiisiineed ee coladda ka jirto Degaanada ay degto beesha waxa walbana lagu dhameeyo miiska wadahadlaka

Gaba-Gabo iyo Gunaanad

Waxaan aaminsanahay in dowladnimada Soomaaliya lagu  soo celin karo is wada-ogolaasho iyo cadaalad laga sameeyo hab qaybsiga siyaasadeed ee beelaha dhaxdooda ah si loo gaaro dowlad midnimo qaran ku asteeysan.

Waxaan ka cosanaynaa  ururuada heer gobol iyo caalami intaba iyo wadamada daneeya arrimaha Somaaliya in ay soo faragaliyaan cadaalad darada iyo nin jecleysiga ay ku soo caanbaxayso Dowladda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Farmaajo si looga fogaado isqab-qabsi iyo isdiidmo wiiqi karta dadaalada lagu dhisaayo dowladnimada dalka.

WABILAAHI-TOWFIIQ

BEESHA GALMAAX YOONIS

- Advertisement -

Read more

Local News