Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa oo ku guuleystay in doorashada Galmudug dib loo dhigo

Cadaado (Caasimadda Online) Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo maanta soo gaaray Magaalada Cadaado ayaa kulamo xiriir ah la yeeshay Madaxda Galmudug oo uu ugu horreeyaan sii hayaha xilka madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, xildhibaanada iyo Wasiirada.

Wasiir Juxa ayaa guul weyn ka gaaray safarkiisa uu cadaado ku tagay kadib marki uu ka dhaadhacsiiyey madaxda Galmudug inay ogolaadaan in dib loo dhigo Doorashada Galmudug oo markii hore lagu ballansanaa inay dhacdo 10 Bishaan.

Wafdiga uu hoggaaminayey wasiirka iyo Madaxda Galmudug ayaa isku afgartay in doorashada dib loo dhigo ilaa 30 Bishaan, si looga qeybgeliyo dowladda cusub Ahlu Sunna Waljameeca oo awood ku leh Gobolada Dhexe.

Wasiirka oo duhurkii kadib soo gaaray Cadaado ayaa ilaa markaas ku jiro kulamo uu la yeylanaayey Madaxda Galmudug, wuxuuna ugu dambeyn gacanta ku dhigay ujeedki ay markii hore dowladda usoo dirtay ee ahaa in dib loo dhigo Doorashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dooday inaysan macquul aheyn in Galmudug Madaxweyne loo soo magacaabo haddii aysan qeyb ka aheyn Ahlu Sunna Wal-jameeca.

Berri 8:00am ayaa la filayaa in la isugu yeero Saxaafadda si halkaas loogu soo bandhigo waxyaabihii lagu heshiiyey oo ay ku weyn tahay in dib loo dhigay Doorashada lana gaarsiiyey ilaa 30 Bishaan.

Heshiiskaas oo qoran ayey Berri Inshaa Allah Caasimadda Online idiin soo gudbin doontaa.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com