Gaas oo shaaciyay wakhtiga la bilaabayo dhismaha Garoonka Gaalkacyo

Abu Dabai (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waqtiga rasmiga ah ee la billaabayo dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

Hogaamiye C/wali Gaas ayaa sheegay inuu soo idlaaday mudadii loo qabtay in lagu dhisaayo garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay dhawaan bilaabayaan dhismaha.

Cabdiweli oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday magaalada Dubai ayaa sheegay in 15 bishan April uu bilaaban doono dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

Gaas waxa uu sidoo kale sheegay in isla bishaan dhamaadkeeda la bilaabi doono dhismaha waddooyinka isku xira magaalooyinka Garoowe iyo degmada xeebta ku taalla ee Eyl.

Gaas waxa uu sheegay in Garoonka iyo Waddooyinka ay ku nacfin doonaan dhammaan dadka dega Puntland, waxa uuna intaa raaciyay in Garoonka uu sara qaadi doono duulimaadyada ka baxa Puntland iyo kuwo soo gaara.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ay ku kalsoon yihiin isla markaana iyaga lagula xisaabtami doono wixii ay khaldaan inta lagu guda jiro dhismooyinka.

Dhinaca kale, waxa uu carab dhabay in Puntland ay la socon doonto qaabka uu u soconaayo dhismaha Garoonka iyo Waddooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dubai
Caasimada@live.com