Wasiirka Amniga oo shaqada ka fariisiyay taliye Boolis kadib markii la sheegay inu…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Abukar Islow Ducaale oo ah Wasiirka Amniga Gudaha ayaa tan iyo markii la doortay bilaabay inuu kormeer ku tago Saldhigyada Booliska Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa arkay saldhigyo Boolis oo haawanayo, wuxuuna bilaabay inuu talaabo ka qaado taliyayaasha Saldhigyada Booliska.

Shaqa Joojin ayuu ku sameeyey Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, kadib  markii Wasiirka oo xalay kormeer ku sameynayay qaar ka mid ah saldhigyada booliska uu ka waayay Taliyaha saldhigii uu qaabilsanaa, midaas oo keentay inuu wasiirka dareemo inay jirto Mas’uuliyad darro.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay taliyaha inu sameeyey dayacaad ku aadan shaqadiisa sidaas darteed uu go’aan ku gaaray inuu shaqada ka fariisiyo.

Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in  wasiirka Amniga uu si Kumeel gaar ah Taliyaha Saldhiga Booliska ugu magacaabay Siidow Macalin Isaaq oo ahaa Taliye kuxigeenka Saldhigga.

Wasiirka Amniga ayaa labadii habeen ee u dambeysay kormeer ku sameynayay degmooyinka Gobolka Banaadir, saldhigyada iyo baraha ciidan ay joogaan ciidamada ammaanka, isagoo u kuur galayay xaalada amni.

Taliyaha Saldhigga degmada C/casiis Dhamme Axmed Cabdullaahi Baashane  ayaa si weyn loogu ammaanay howshiisa kaasoo uu Wasiirku sheegay inuu si fiican uga soo dhalaalay, halka Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire oo lagu helay howl-gudasho la’aan uu Wasiirka shaqada ka fadhiisayay, waxaana si ku meel gaar ah loogu dhiibay G/le Siidow Macallin Isaaq.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in uu billowday isla xisaabtan dhab ah hay’adaha ammaankuna ay diyaar u yihiin Sugidda nabad galayada guud ee dalka taas oo ah shaqada qaranku u idmaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com