Qaraxyo la doonayay in dadka shacabka lagu dhibaateeyo oo la qabtay

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay qaraxyo la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in qaraxyada la qabtay kadib markii ciidamada ay baaritaano ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Maxamed maxamuud Carab afhayeenla laamaha amniga ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ay soo qabteen miinooyinka dhulka lagu aaso iyo qaraxyo la farsameynayay.

Afhayeenka wuxuu sheegay in ciidamada ay sidoo kale ay la wareegeen guri lagu diyaarinayay qaraxyada iyo dadkii falkaasi ku lug lahaa.

Axmed Carab, wuxuu sheegay in dhamaan dadka lasoo qabtay ay soo taagi doonaan maxkamadda ciidamada ee Jubbaland, si cadaalada loo waafajiyo dadka falkaasi lagu eedeeyay.

Ma jirin eedeysanayaal warbaahinta loosoo bandhigay, laakiin afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada ay ku raadjoogaan shaqsiyaad kale warbaahintana loosoo bandhigi doono marka howlgalka uu dhamaado.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com