Xog: Xildhibaanada BF oo ka soo horjeestay xilalka ay magacaaben Farmaajo iyo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Digreeto kasoo kala baxday Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa xil ka qaadis iyo magacaabid loogu sameeyay Mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal kala duwan ka hayay Dowlada Federaalka.

Digreetada ayaa waxaa xilalka ugu badan looga qaaday Hay’adaha amniga Qaranka oo maalmihii ugu danbeeyay dhaliil lixaad leh kala kulmaayay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Xil ka qaadista iyo magacaabida kadib ayaa waxaa talaabadaasi dhaliil ka muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo siyaabo kala duwan ula hadlaayay idaacadaha maxaliga ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay ku hingooben howlihii laga sugaayay.

Waxa ay sheegen inay dib usoo magacaaben shaqsiyaad horay ugu fashilmay xilal ay hayeen, kadib markii ay ka weecdeen shaqsiyaadkii looga fadhiyay inay la imaadan.

Xildhibaanada ayaa ku andacoonaaya in Madaxweynaha uu dib usoo celiyay ilaa Seddex mas’uul oo horay ugu soo fashilmay xilalka ay ka hayeen dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh.

Shaqsiyaadka ay tusaalaha usoo qaaten ayaa waxaa kamid ahaa:

1-Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

2-Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed, oo xiligii Xasan Sheekh laga eryay Villa Somalia.

3-Taliyihii ciidamada xoogga dalka Jen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid oo horay xilkan u soo qabtay sanadkii 2011.

4-Abaandulaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood.

Dhinaca kale, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaan la ogeyn talaabada kaga aadan shaqsiyaadkaani ay ku dhagan yihiin oo horay ugu fashilmay xilalkii ay hayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com