Xog: Xildhibaanada oo ka walaacsan magacaabida taliyaha cusub ee NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maalintii Khamiista lasoo dhaafay xilka Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka u magacaabay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Magacaabida Sambaloolshe ayaa walaac ku abuurtay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo iyagu si gaara uga cabsiqabo in Sambaloolshe ay kala kulmaan tacadi lamida mid uu sameeyay sanadii September 2, 2014.

Sambaloolshe ayaa horay u dhibaateeyay September, 2014 Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii hore ee Somalia kaa oo lagu magacaabi jiray Xildhibaan shiiraar.

Tacadiyada uu Sambaloolshe u geystay Xildhibaan Shiiraar ayaa waxaa kamid ahaa inuu ula dhaqmay sida qof shacab ah isla markaana ku xiray Xabsiga Jilacoow oo ay maamusho Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia.

Xildhibaanka ayaa xiliga uu Sambaloolshe hayay xilka NISA lagu dhex dilay Xabsiga Jilacoow waxaana xusid mudneyn in lagu xiray goob aan munaasib aheyn.

Xildhibaanada qaar ayaa durba walaac ka muujiyay magacaabida Sambaloolshe waxa ayna ka digeen in Taliyaha cusub uu ku kaco fal xadgudub ku ah labada Gole ee Dowlada Somalia.

Walaaca ugu weyn ayaa ah inuu ku weeraro goobaha ay ka dagan yihiin magaalada Muqdisho, maadaama Sambaloolshe uu horay u sameeyay fal noocaasi ah.

Lama oga hanaanka ay kuwada shaqeyn doonaan Taliyaha cusub ee Hay’ada NISA iyo Xildhibaanada BFS, waxaana mar waliba suuragal noqon karta in Sambaloolshe looga yeero Xarunta Golaha Shacabka waa haddii uu qaado talaabooyin lid ku ah Golayaasha Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com