Farmaajo iyo Kheyre oo loo jeediyey digniin la xiriirta xubnihii ay xilalka ka qaadeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqaha mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday.

Dalxa, ayaa sheegay in isbedelka uusan aheyn in mas’uul xilka laga qaado lagu dhex deeyo magaalada Muqdisho, balse loo baahan yahay in la meeleeyo mas’uuliyiinta xilka laga qaaday.

Dalxa ayaa sheegay inay muhiim tahay in xilal kale loo raadiyo mas’uuliyiinta xilkooda waayay waxa uuna ka digay in mas’uuliyiintaasi lagu dhex fasaxo magaalada maadaama ay leeyihiin miisaan.

”Waxaa ii muuqaneysa in mas’uuliyiinta xilka laga qaaday ay DFS ka dhigi doonto kuwo aan laheyn xuquuq oo lamid noqon doona shacabka Soomaaliyeed”

”Waxaa la doonayaa in si dhaqsi ah lagu meeleeyo kuwa xilka laga qaaday waayo anagu dooni meyno in la dayaco mas’uul markii uu xilka hayay loo baahnaa hadana laga dhigo mid kuwo aan saameyn laheyn”

Xildhibaan Dalxa ayaa Dowladda cusub kula taliyay inay wax ka badasho dhaqanada looga bartay dowladii hore, maadaama uu qeexay in kuwa xilalka laga qaaday ay mudan yihiin in la sharfo, islamarkaana laga fekero daryeelkooda.

Dhinaca kale, Dalxa ayaa mas’uuliyiinta xilka laga qaaday ugu baaqay inay la shaqeeyan kuwa lagu bedelay maadaama uu yiri la hiigsanaayo mustaqbal fog.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com