Sawirro: Sidee ayuu xilka u wareejiyay Cumar Carte Qaalib?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Somalia Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka ayaa xilka kala wareegay Maxamed Cumar Carteh Qaalib oo ah Ra’isul wasaare ku xigeenkii hore.

Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa u mahadceliyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’isul wasaaraha, wuxuna sidoo kale tilmaamay inuu kasoo bixi doono xilka lagu amaaneystay.

Mahdi Maxamed Guuleed, waxa uu sheegay in xilka uusan aheyn mid si gaara loo leeyahay balse uu yahya mid wareega oo marba qof uu qabto.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ayaa sidoo kale, munaasabada ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Ra’isul wasaare xigeenka kursiga kala wareegay waxa uuna tilmaamay inuu ka caawin doono wixii looga baahdo.

Carte ayaa Ra’isul wasaare xigeenka bedelay u rajeeyay inuu ku guulaysan doono howlaha horyaala maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leh arimaha Soomaaliya ka Jira.