24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

Somalia oo fulisay tallaabo looga saarayo liiska uu ku daray madaxweyne Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa daah-furtay nidaam casri ah oo ku shaqeeya biyometrigga oo lagu maareeyo xuduudaha, kaasoo ay taageereyso dowladda Maraykanku, wuxuuna awood u siinayaa mas’uuliyiinta inay si toos ah (real-time) ula socdaan socotada iyagoo is-barbardhigaya liisaska caalamiga ah ee dadka laga digtoonaado.

Dalka Soomaaliya oo Maraykanku u aqoonsaday inuu yahay ‘goob ay argagixisadu gabbaad ka dhigato’ kaddib markii ay si weyn u kordheen dhimashada ka dhalanaysa weerarada Al-Shabaab, ayaa ka mid ah waddamada ay saameysay xayiraaddii fiisaha ee uu soo rogay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Nidaamkan oo lagu magacaabo Nidaamka Amniga ee Isbarbardhigga iyo Qiimeynta Aqoonsiga Shaqsiyeed (PISCES), oo helaya taageero farsamo oo ka socota Maraykanka, ayaa lagu rakibay dhammaan garoomada diyaaradaha ee waaweyn ee Soomaaliya si dib-u-habeyn loogu sameeyo nidaamka socdaalka ee dalka oo muddo dheer la daalaa-dhacayay.

Rajada Soomaaliya ee ah laga qaado xayiraadda fiisaha

Nidaamkani wuxuu si degdeg ah u aqoonsanayaa aqoonsiyada been abuurka ah iyo dhaq-dhaqaaqyada safarrada ee shaki gelin kara, isagoo gacan ka geysanaya in la fududeeyo isu-socodka rakaabka sharciga ah, isla markaana kor u qaadaya amniga qaranka.

“Waxaan rajeynayaa in habkan cusub uu Soomaaliya ka saari doono liiska xayiraadda socdaalka ee Trump waqti dhow, marka uu nidaamku si buuxda u shaqo galo,” ayuu Mustaf Duhulow, agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo xuduudaha Soomaaliya, u sheegay The Africa Report waraysi gaar ah oo uu siiyay.

Nidaamku wuxuu leeyahay teknoolajiyad casri ah oo lagu hubinayo socotada si toos ah, taasoo ay ka mid yihiin aqoonsiga wajiga, aqrinta faraha, iyo iskaanka baasaboorka oo ku xiran liisaska dadka laga digtoonaado ee heer qaran iyo heer caalamiba.

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa kormeeraysay hirgelinta mashruucan, iyadoo tababarro xirfado farsamo ah siisay saraakiisha socdaalka Soomaaliya, sidoo kalena ka taageertay horumarinta kaabeyaasha. Waxay kaloo ka qaadatay kaalin la-talin ah.

Daah-furkan ayaa ku soo beegmay xilli ay xukuumaddii Trump ay soo rogtay xayiraado dhanka socdaalka ah oo saameeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed, taasoo ah dib-u-dhac muujinaya baahida ay Soomaaliya u qabto inay si weyn u casriyeyso nidaamkeeda maareynta socdaalka.

“Tani waa bilowga wax runtii gaar u ah xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka. Waxaa na horyaalla shaqo badan, waxaana diiradda saaraynaa inaan kala shaqayno Soomaaliya sidii loo xaqiijin lahaa dal deggan oo ammaan u ah muwaadiniintiisa,” ayuu yiri Bob Flannery, la-taliyaha barnaamijka la-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya ee safaaradda Maraykanka.

Shaqo waqtigeeda ku socota

Wargeyska The Africa Report wuxuu fursad u helay inuu goob joog ka noqdo sida uu nidaamkani u shaqeeyo intii lagu guda jiray booqasho lagu tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Saraakiisha socdaalka ayaa isticmaalayay xogta biyometrigga si toos ah, iyagoo u barbardhigayay keydka xogta caalamiga ah.

Shamsa Cali, oo haysata dhalashada Finland, ayaa sheegtay inay markii ugu horreysay fiisaha elegtarooniga ah (e-visa) ka codsatay iyadoo joogta gurigeeda. “Fiisaheyga si degdeg ah ayaan ku helay, haddana waxaan joogaa garoonka diyaaradaha iyadoo aan wax dhibaato ah la kulmin,” ayay tiri.

Shamso oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, waxay ka mid tahay kumannaankii qof ee dalka uga cararay dagaallada sokeeye. “Waa markii iigu horreysay ee aan Soomaaliya soo booqdo tan iyo markii aan ka qaxay 2010-kii, balse weli waxaa jira raadadkii xanuunka lahaa ee maalmahaas,” ayay tiri Shamsa.

“Inkastoo ay wax badan isbeddeleen oo horumar la sameeyay, oo ay ku jiraan nidaamyadan casriga ah ee garoonka yaalla, haddana weli waxaan xoogaa ka walwalsanahay amniga dibadda, maadaama aan u imid inaan soo booqdo hooyaday oo halkan ku nool,” ayay raacisay.

Sugidda amniga xuduudaha oo weli caqabad ah

Walwalkeedu ma ahan mid aan sal lahayn. Sannado badan, xuduudaha Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo u nugul in si xun looga faa’iidaysto. Hubinta liidata ee dokumiintiyada, laaluushka iyo kontorool la’aanta ka jirtay goobaha muhiimka ah ee laga soo galo dalka ayaa fursad siisay Al-Shabaab.

Arrimahani waxay awood u siiyeen kooxda, oo uu Maraykanku u aqoonsaday argagixiso tan iyo 2008-dii, inay si sharci-darro ah ku soo geliyaan hub iyo badeecooyin, ayna dalka soo galaan iyagoon wax hubin ah marin.

Kaabahan dhijitaalka ah ee cusub waxaa loogu talagalay inuu taas wax ka beddelo, sida uu sheegay Ilyaas Maxamed, oo ah falanqeeye dhinaca amniga ah oo Soomaali ah. “Inkastoo Soomaaliya ay weli si weyn ugu dhex jirto waddamada dhibaatooyinku ka jiraan, heerka la oggolaado socdaalkeeda ayaa si tartiib ah u soo hagaagaya,” ayuu yiri.

Nidaamkan cusub ee biyometrigga ah wuxuu hiigsanayaa in lagu xakameeyo tahriibka iyo ka ganacsiga dadka ee ka dhaca xuduudaha muhiimka ah, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, dekedaha, iyo goobaha kontorool ee dhulka—waana qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo lagu soo celinayo amniga socdaalka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda.

In kasta oo nidaamkan cusub uu tusaale u yahay horumar la gaaray, haddana waxaa weli jira caqabado. Al-Shabaab waxay weli gacanta ku haysaa deegaanno badan oo miyi ah, sidoo kale musuq-maasuqa ka jira hay’adaha dowladda ayaa weli ah mid jira.

Si kastaba ha ahaatee, Mustaf Duxulow wuxuu muujiyay rajo wanaagsan. “Waa inuu sii jiraa iskaashiga ilaa aan ka gaarayno isku-filnaansho. Waxaan ku kalsoonahay inaan gaari doonno awooddaas annagoo kaashanayna saaxiibadeenna caalamka, oo uu ku jiro Maraykanku,” ayuu yiri.

- Advertisement -

Read more

Local News