32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Fiqi oo sheegay inay burburtay rejadii mucaaradka ee teendhada Xalane kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in sii socoshada hanaanka doorasho qof iyo cod iyo diiwaan-gelinta ka socota maamullada ay god dheer ku rideyso rejadii mucaaradka ee ku laabashada teendhadii Afisyoone.

Is-diiwaangelinta codbixiyaasha ayaa shalay si rasmi ah uga bilaabatay maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, taasoo ay daah-fureen hoggaamiyayaasha labada maamul, Axmed Qoor-Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen.

Fiqi ayaa sheegay in tallaabadan ay soo xirayso albaabkii kuwii Shakiga gelinayay dhabnimada qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.

“Tallaabadani waxay duufaan burburisay ku furtay rajadii siyaasiyiinta qaarkood ay ku xirayeen teendhadii Xalane in dib loogu noqonayo, waxayna shacabka siisay rajo ay cidda matalaysa ku soo doortaan ayagoo sharfan,” ayuu yiri Wasiir Axmed Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Bogaadin iyo mahadcelin ballaaran Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Soohdimaha.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay bilowdeen wada-hadallo u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isla markaana ay dhinacyadu isku mari la’yihiin wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorasho.

Xubnaha mucaaradka ayaa soo doonaya in cutubka afaraad ee wax ka bedelka dastuurka laga laabto oo sidii hore lagu celiyo. Qodobkan ayaa shalay noqday mid dood culus dhaliyay, oo sababi gaaray in shirka lagu kala tago, hase ahaatee waxaa markii dambe la isla gartay in dib la isugu soo laabto laabatanka bisha oo dhinacyadu ay soo wada tashtaan.

- Advertisement -

Read more

Local News