25.7 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Beesha Habar-Gidir: Waxaa la qaaday Isbaarooyinka Beel gaar ah kaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Marko (Caasimada online) Maalmahan waxaa wadad xiriirisa Muqdsho iyo Marko ka soconayay olole lagu doonayo in looga sifeeyo wadadaasi jidgooyinka faraha badan ee halkaasi yaal, waxaana arintan ay qeyb ka aheyd heshees beelo dhawaan gobolka ku dagaalamay ay wada gaareen .

Inkastoo ay arintan ay jirto Isbaarooyin dhowr ahna la qaaday aya hadana waxa jirta cabasho ay muujinyaan qaar ka mid ah Waxgaradka beel ka mid ah Beelihii gobolkaas ku dagaalamay taas oo ku aadan in sidii loo baahna aan arinta loo abaarin balse wax is daba marin ay jirto.

Imaam C/laahi Khaliif , wuxuu ka mid yahay nabadoona Beesha habar Gidir wuxuu sheegay in wali ay jiraan Isbaarooyin badan oo gobolka yaala taas oo sida uu sheegay muujinaysa in uu jiro gaabis dhanka dowlada ah.

Wuxuu sheegay in lagu heshiiyay in la qaado guud ahan isbaarooyinka gobolka laakiin taas ay iminka muquun in wax laga qabtay , isagoo sheegay in qolo gaar ah uun laga qaaday jidgooyooyinkii wadadaasi yaalay.

Beesha BiyoMaaal ayuu sheegay inay tahay beel nabadda jecel balse ay ku jiraan Maleeshiyaad aan dooneyn in laga dhabeeyo go’aanka labada beel kasoo baxay iyo in la qaado Isbaarooyinka gobolka yaala.

Wuxuu sheegay in meelo ay ka mid thay marko laga qaaday Balse aan laga qaadin deegaano ay ka mid yahay Deegaanka Lambar 50 iyo walba ceel wareegoow taasna ay muujineyso wali gaabis uu jiro.

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay inay iyadu balan qaaday inay Ciidamo geyneyo goobaha laga qaado Ciidamada Jidgooyooyinka ay u yaalan Shabeelaha Hoose balse wali dhanka dowlada ay wax ka harsan yihiin isagooa ugu baaqay inay ka dhageyso balankii ahaa in Isbaarooyinka gobolka lagu bado baro koontarool o ay ciidamada Dowladu leeyihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Marko

Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News