Geerida Sheekh in ka badan 10 milyan oo qof ay gacantiisa kusoo muslimeen

Salaamu alaykum walaalaha kuxiran websitekan qeymaha badan.Waxa sharaf ii ah inaan idinla wadaago taariikh noolaleed (kooban) oon kaga warami doono daacigii caanka (Allaha u naxariistee) Dr. Sheekh Cabduraxman Assumayt  oo loo yaqaanay daaciga Africa!

Walaalayaal geeradu waa jid na wada sugaya, hasa ahaatee  dadku waxay ku kala duwanyihiin saameynta ay dunida kaga tagaan.

Dadka wax qabad iyo khayr ka tago waxaa la tabaa marka ay geeriyoodaan oo ay ugoontoobaan ummad kale oo aan caruurtooda iyo eheledooda aheyn! Xaalada Sheekh Cabduraxman waxaan filaya inay Qaarada Africa oo dhan ubaroor diiqday.

Sheekh Cabduraxman 1947-2013, 66 sano, wuxuu udhashay wadanka  Kuwait, haseyeeshe noolashiisa kala bar  wuxuu kuqaatay Africa oo aheyd deegaankiisa si uu ugaaro mashruuciisa “Sidii Africa looga dhigi lahaa muslim 100%”  taas oo kahor imaanayso mashruuca  gaalada udajisay Qaarada 50 sano ka hor “in dadka kusugan Qaaradaas gabi ahaanba noqdaan kirishtan sananada 2000”

Waxbarasho ahaan Dr. Cabduraxman wuxuu kasoo baxay kulliyada caafimaadka ee magaalada Baghdad, kadib waxaa loo direy wadamada England, USA, Canada si uu usoo qaato takhasus- cudurrada gudaha iyo meelaha kulul.

Dr. Sh. Cabduraxman,goor uu isu diyaarinaayo siduu ugu noqon lahaa Kuwait oo markaas aad looga sugaayey dowlad iyo qoys ahaan intaba- ayaa waxaa hor istaagay xaaskiisa Ummu Suhayl oo markaas ulaheyd hal wiil “Umaleyn maayo inay shaqadaada dhabta ah tahay dhakhtarnimo. Waa inaan aadna wadama East Asia oo aan dadka tabaalaysan wax utarnaa”.

Waxaan filaya inay soo jeedisay talo aysan kuraaci laheyn gabar kale oo xiligaas kunooleyd Kuwait oo guursatay Diktoor sidiisa oo kale oo aad loogu hanweyn yahay inuu kadhex muuqdo dhakhaatiirka.

“Waxaan ahaa qof lamuragooda xaalada musliminta markan ardayga ahaa. Marar badan ayaan dhulka seexan jirey oo aan cuntada dhimi jiray si aan ugula qeyb qaato walaalahayga muslimiinta, gaar ahaan sawiro aad uliita oo laga soo qaaday Muslimiinta Bangladesh”

Dr. Cabduraxman wuxuu go’aansaday inuu ku dhaqaaqo mashruuca ay xaaskiisa usoo jeedisay laakinse waxa ku adkaatay meeshii uu kabilaabi lahaa, isagoo weliba kala kulmay mucaarado xoogan cidkasta oo kala sheekeysta barnaamijkiisa. Malaha aniga lafteyda kulama taliyeen inuu Africo aado maalintaas!

“Maalintii dambe anigoo quus taagan ayaa waxaa ii timid haweeney doonayso inay masjid kadhisto Africa! Aniga iyo rag kale ayaa israacnay, waana markii iigu horaysay ee aan tago Qaaradaas!”

Dr. Sumayt, waxaa uu kusoo arkay halkaas waa tan kudhalisay inuu kunagaado 30 sano in kabadan!

“Waxaan tagnay wadamo ay imaamyadu faataxada sixikarin, balse imaamyada(qaar)ka sinaystaan gabdhaha ay Qur’aanka udhigaan masjidka dhexdiisa! Waxaan soo aragnay wadan ay muslimiinta ahaayeen bilowga qarniga 20aad 66%  haseyeeshe sanadkii 1980 kusoo haray 16% oo aan kujirin qof jaamacad kasoo qalin jabiyey, taas oo keentey in loogu magac daro ‘dadkii  diinta dib udhaca

Sheekh Cabduraxman wuxuu tagay Qaarad ay kusugantahay 800 milyan oo qof oo ay ka socoto gaalaysiin aad u baaxad wayn, ayadoo loogu soo dugaalayay  xaalada dhaqaale ee ay ku suganyihiin!

Mar uu ka hadlayey caqabaadka iyo loolanka kataagan Qaarada wuxuu yiri: “Africa waxaa kusugan 7.5 milyan qof oo faafinaya diinta gaalada ayagoo isticmaalayo lacag aan caadi aheyn. Warbixin lasoo saaray 2009 lacagaha ay kaniisada aruurisay sanadkaas $ 410 bilyan oo dolar, maalintii wax ka badan bilyan oo doolar  oo dadka lagu gaalaysiinayo, waana tankeentey inay isdhinto tirada muslmiinta Qaarada oo islaamku xilihore gaaray. Intaas waxaa dheer hay’adaha shiicada oo ayagana caqaba ku ah muslimiinta Qaarada”

Dr. Cabdurahman wuxuu aas aasay hay’ad layirahdo  African Muslims’ oo markii danbi loo bixiyey ‘Cawn Al-mubaashar’ oo xafiisyo kuleh dhamaan wadamada Africa, waxayna kamid tahay sababaha keentey inay najaxaan dadaaladiisii   uu ka waday Africa.

Waxbaqadka sheekha  oo kooban:

1.    In kabadan 10 milyan oo qof  oo diinta soo galay 30 gudahood.  Ha la yaabin numberka intaas la’eg waayo habka  uu sheekhu isticmaalo iyo deeganada uu ka shaqeeya ayaa ka duwan qaabka dacwada meelo badan looga wado.

Diktoorku wuxuu yoolka saaray qabaa’ilka ugaasyadooda  iyo dadka raadka iyo saamaynta  kuleh bulshada, waana habkii  uu nabigia SAW isticmaali jirey.

Aniga lafteyda mar aan joogay Africa,hal muxaadaro oo soo jeediyey wadaad meel fagaara ah, ayaa waxaan xusuustaa in ay  saf soo galeen  in kabadan 300 oo qof  shahaadadana  loo qabtay!

2.   Waxaa ladhisay in kabadan 5500 oo masjid weyn iyo mowlac yar; waxaa laqeybiyey in kabadan 7,000,000 oo Qur’an oo isugu jiro luuqadaha guud ahaan looga hadlo Africa; dhismaha  840 goob waxbarasho oo ay dhigtaan 500,000 arday, kuwaas qaar kamid ah kasoo qalin jibiyeen dhinacyada   kala duwan ee cilmiga.  Dhanka ladagaalanka biyo la’aanta, waxay laqoday  12,000 oo ceel, taas oo badbaadisay noolasha malaayiin Muslimiin ah.  Dhismaha 90 gooba caafimaad oo isugu jira dhakhtar weyn iyo daryeel caafimaad. Dhanka warbaahin, 10  idaacadood oo ku kala baxdo luuqada kala gadisan oo khayrka kufaafiyo dhulal kala fog.

Sheekhu wuxuu kafaalo qaaday 50,000  agoon ah, kuwaas oo  qaar kamid ah ay manta ducaad, dhakhaatiir iyo wasiirro ka yihiin wadama badan oo Africa ka mid ah, oo ay dhacday in marar badan meelo ay dan ka gashay uu ugu tagay wasiir fadhiyo oo kamid ah agoontii uu 20 sano kahor gacan ku hayay.

Wadankii ugu danbeeyey ee Africa

Waxaa xusid mudan in sheekha Cabduraxman lagu soo booday  isagoo Somalia ujooga howla bani Aadamnimo,halkaas oo loola cararay wadankiisa haseyeeshe , xaalada sheekha oo kasii daraysa ayey diyaaradi  si halaleel ah kucaga dhigatay garoonka magaalada Riyadh ee wadanka Sacuudiga halkaas oo loola cararay dhakhtarka ayadoo qalniin lagu sameeyo.

Dr. Sheekh Cabdurahman, Allah unaxariistee ma’ahan qof ku kooban dhinaca  samafalka iyo dacwada oo kaliya,  ee sidoo kale wuxuu ahaa qoraa iyo  cilmi baaris badan ay  hay’ado caalami ah ka faa’idaysteen. Sheekhu waxaa la gudoonsiiyey shahaado sharafyo  farabadan oo lagu maamuusayay  khidmada uu ummadda uhayo.

Dr. Cabduraxman inkasta oo uu aad u mashquulsana hadana xaaladiisa caafimaad ma’ahayn mid uu ku noolaan karo Africa. Diktoorka maalintii wuxuu qaadan jirey 20-30 kaniin oo ay udheertahay irbid joogta ah! Waxa badneyd inta uu meel ku dhacay daawo la’aan ama dayac kale owgiis, taas oo ay u dheertahay amni daro iyo xabsiyo kala duwan oo ay  kula kaceen generalada qaarada iyo kaniisado isbahaystay.

Walaalyaal taariikhda sheekhu intaas waa ka weyn tahey. Waxaan kusoo koobi lahaa, rag  badan oo sheekhu kamid yahay waa tagay ayagoo qabtey wixii ay awoodeen oo Allah ayey lahor tageen! Maanta aniga iyo adiga ayey nagu hartay oo weli nool. Su’aashu waxay tahay muxuu yahay mashruuceena ummadda aan ugu adeegayno?

Waa walaalkiin Adam Abuzuhri oo idin leh amaana Allah iyo kulan dambe oo xiisa leh. Wixii talo iyo tusaale ah:Abuzuhri1@gmail.com