Beesha Jidle oo ka digtay qorshe la doonayo in kursiga xildhibaankooda lagu geeyo Koonfur Galbeed (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha, waxgaradka, aqoonyahannada, haweenka iyo dhallinyarada Beesha Jidle Gugundhabe, ayaa qoraal ay soo saareen uga digay go’aan ay sheegeen inuu kaligiis ku yahay shakhsiga hadda ku matala beesha Golaha Shacabka Xil: Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) oo isku dayaya in deegaan-doorashada kursiga u wareegsado Koonfur Galbeed.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran  

KU: Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka         =Muqdisho=

KU: Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS                                                                =Muqdisho=

KU: Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS                                                            =Muqdisho=

OG: Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka                                       =Muqdisho=

OG: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle                                 =Jowhar=

OG: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabellle                                                   =Jowhar=

OG: Ra’sulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya                                   =Muqdisho=                                                                                   

OG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya                                      =Muqdisho=

Ujeeddo: Warqad Cabasho

Odayaasha, waxgaradka, aqoonyahannada, haweenka iyo dhallinyarada Beesha Jidle Gugundhabe oo uu ugu horreeyo ugaaska Beesha Jidle, Ugaas Cabdinaasir Ugaas Nuurre Ugaas Cusmaan, oo maalmahan kulamo isdaba-joog ah lahaa ayaa waxay ka digayaan go’aan uu kaligiis ku yahay shakhsiga hadda ku matala beesha Golaha Shacabka Xil: Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) oo isku dayaya in deegaan-doorashada kursiga u wareegsado meel uu filayo inuu kaga shuban karo codadka doorashada 2020/21.

Xildhibaan Nuux oo haatan ku fadhiya kursi dhiig leh wuxuu doonayaa inuu soo celiyo taariikh la mid ah tii uu 2016-dii ka geystay magaalada Jowhar, isagoo isticmaalaya awoodda Xukuumaddii markaas jirtay oo ku taageertay boobka, ugu dambeyntiina kursigiisa ugu soo wareejisay magaalada Muqdisho.

Haddaba, Odayaasha, waxgaradka, aqoonyahannada, haweenka iyo dhallinyarada oo uu horkacayo Ugaaska Beesha waxay ugu baaqayaan xafiisyada ay warqaddan ku socoto iyo kuwa ogeysiinta leh:

  1. In deegaan doorashada kursiga Beesha uu yahay magaalada Beled Weyne ee caasimadda Gobolka Hiiraan, Dawlad-goboleedka HirShabelle, halkaas oo ah deegaanka ugu ballaaran ee beeshu degto, laguna duubo, laguna aasoay ugaaasyada beesha.
  2. Beeshu waxay xubin ku lahayd Golihii deegaanka B/weyne wixii ka horreeyay 1991-kii.
  3. Waxaan si qadarin iyo xushmad leh ugu wargelineynaa dhammaan xafiisyada in beesha xaqeeda aan qof shakhsi ah oo wata dano gaar ah aanan loogu afduubi karin.
  4. Beeshu waxay ka digeysaa in tallaabo kasta oo kursigaas loogu wareejiyo meel aan hoggaanka dhaqanka beesha lagala tashan inay horseedi doonto boob dhiig ku daato oo la mid ah tii dhacday 2016-kii, taasina ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan xafiisyada iyo mas’uuliyiinta arrintaas ku lug yeesha.

Ugaas C/naasir Ugaas Nuurre
Ugaaska Beesha, xubinna ka ah 135ka saxiixe