Columbus (Caasimada Online) – Xubano kasoo jeeda beesha Majeerteen, oo ku sugan magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isku diyaarinaya inay ku mudaaharaadaan madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, oo tagaya gobolka.
Mudaaharaadka beesha Majeerteen oo qeyb ka ah kuwa sidan oo kale ay kaga dhigeen meelo badan oo caalamka ka mid ah oo Soomaalida ay qaxooti ku yihiin, ayaa waxa uu dhici doonaa axadda, 22-ka bishan.
Ma jirto wax u jeedo cad ah oo loogu mudaaharaadayo madaxweynaha Somalia, marka laga reebo naceyb ku dhisan qabyaalad.
Mudaaharaadyadii hore ee beesha Majeerteen ku sameysay madaxweynaha, ayaa waxaa qiil looga dhigi jiray arrinta Jubaland, oo iminka xal laga gaaray, islamarkaana isku soo dhowaanshaha Muqdisho iyo Kismaayo uu marayo in tabeelaha sawirka madaxweyne Xasan laga taagay bartmaha Kismaayo. Halkan ka arag.
Si kastaba 99% Soomaalida Ohio, ayaa isku diyaarinaya inay si kalgaceyl usoo dhoweeyaan madaxweynahooda, ayna ka hor tagaan mudaaharaadkaas qabyaaladeysan, sida dadka abaabulaya soo dhoweynta madaxweynaha ay ku warramayaan. Halkan ka daawo.
Maamulka Puntland iyo beesha uu ku abtirsado, ayaa mucaaradsan dowladda Somalia, sababo la xiriira xubinta ra’iisul wasaaraha Somalia, oo ay qaadatay beesha Sade oo ay ku wada abtirsadaan Daarood, balse Puntland ay rumeysan tahay inay mar kasta ayada mudan tahay.
Caasimada Online
Xafiiska Columbus
[email protected]

