Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya guux siyaasadeed oo ku aadan in guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jeneraal Xasan Xuseen Muungaab xilka laga qaadayo iyadoona lagu badalaayo taliyihii hore ee hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qorshaha wata ayaa sidoo kale doonaya in uu kala qaado xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo duqa Muqdisho.
Haddaba markii uu warkaas soo baxay, waxaa ka soo horjeestay beesha uu ka dhashay Muungaab, waxaana ay lee yihiin madaxweynaha haddii uu meel mariyo qorshahaas waxa uu baalmaray dastuurka dalka.

Cabdullaahi Xasan (Cabdullaahi Dheere), waa odayaasha arrintaas ka hadlay, wuxuuna sheegay haddii ay sax noqoto arrintaas in madaxweynaha uu jabiyay nidaamka fedaraalka taasoo ah buu yiri in qof kasta deeganka uu ka soo jeedo uu xil ka qaban karo.
“Sambalooshe waa in laga dhigo guddoomiyaha gobalka Hiiraan ee ma ahan in laga dhigo guddoomiyaha gobalka Banaadir, waayo nidaamka awood qeybsiga ee 4.5 ayaa saas qeexaya, mwaxaa looga dhigi waayay guddoomiyaha gobalka waqooyi galbeed ama Puntland, haddii dowladda ay dalka ka taliso, wax soconaya ma ahan arrintan” ayuu yiri Cabdullaahi Dheere.
Ugu dambeen wuxuu sheegay in guddoomiye Muungaab aanu wax qalad sameen tan iyo markii xafiiska uu la wareegay isla markaana howlihiisa uu si quman u qabtay sida uu yiri.
Ilaa hadda ma cadda warkan sida uu xaqiiqo u yahay, balse waxaa uu noqday warka ugu badan ee laga hadal hayo magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho