Magacyada qaar ka mid ah wasiirada la filayo in Cabdi Weli uu xilka ka qaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kusoo kordhay qorshaha uu Ra’isul wasaaraha Dalka C/Weli Sheekh Axmed uu isku shaandheynta ugu sameynayo Golaha Wasiiradda.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha uu Golaha ku bedeli doono wajiyo Cusub kuwaasi oo aan looga baran Siyaasadaha Dalka, sida ay xogtu sheegtay

Wararka qaar ayaa sheegaya in Cabdi Weli uu doonayo in illaa 10 wasiir oo hadda haaya xilalka uu ka qaado, islamarkaana uu keeno Wasiiro Cusub, si meesha looga saaro Siyaasadaha ku xeen-daaban Ururo diimeedka oo kusii kordhaaya Xukuumada, xili ay fooda nagu soo heyso doorashada 2016.

Wasiirada la saadalinaayo inay xilalkooda waayi doonaan ayaa waxaa kamid ah:-

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Barre
  2. Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane
  3. Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
  4. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
  5. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
  6. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan
  7. Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye
  8. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow

Sidoo kale, Wasiirada la saadalinaayo inay xilkooda weyn doonaan, ayaa waxaa kamid ah Wasiirada haweenka oo uu aad u dhaliilsan yahay Ra’iisul wasaaraha Dalka Howlaheeda.

Dhanka kale, Hoteelada iyo Xarumaha DF sida Villa Somalia, ayaa waxaa laga dareemayaa Siyaasado kacsan, waxaana muuqaneysa in Isku shandheyntaani ay ka walaacsan yihiin Golaha Wasiirada, wallow warar hoose ay sheegayaan in arrintaani ay ka danbeysay kadib markii uu sii laba kac-leeyay Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com