Beesha SADE oo u jawaab kulul siisay Axmed Madoobe kadib hanajabaadii…

Garbahaareey (Caasimada Online) – Mid ka mid ah qaban qaabiyaasha shirka Garbahaareey ayaa ka jawaabay hadak ka soo baxay maamulka kumeel gaarka ee Jubba oo ku aadan in la joojiyo shirka ka dhacaya magaaladaas.

Wuxuu  sheegay in madaxweyne ku xigeenka maamulka kumeel gaarka ee Jubba uu ku qaldan yahay in hanjabaad u jeediyo dadka ka soo qeybalaya shirka, wuxuuna sheegay in uu aad ugu qaldan yahay hadalladaas isla markaana aanu shirka joojin karin.

Wuxuu sheegay in shirkan ay lee yihiib beelaha ka soo jeeda gobalka Gedo, wuxuuna wacad ku maray in shirka la qabanaayo.

Hadlakan sarkaalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo shaley magaalada Kismaayo uu shir jaraa’id ku qabtay hoggaamiye ku xigeenka maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag.

Sarkaal u hadlay maamulka Jubba ayaa ku tilmaamay shirka Garbahaarrey mid sharci darro ah oo ay wadaan dad uu ku tilmaamay inay leeyihiin ‘dano gaar ah’.

Wuxuu sheegay in shirka Kismaayo uu yahay shir ay taageertay dowladda federaalka iyo beesha caalamka. Shirka Kismaayo ayuu sheegay inuu yahay mid u furan cid kasta oo ka soo jeedda deegaannada Jubbaland oo qabta cabashooyin ka dhan ah maamulka Jubba.

Ma cadda sida u xaalka noqon karo marka uu Jimcaha berri ka furmo shirka Garbahaareey.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho