Beesha Mudullood iyo C/Weli oo kulan xasaasi yeeshay (Maxay ka hadleen?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalintii shaley kulan ku yeeshay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda beesha Mudulood iyo ra’iisal wasaaraha xukuumadda fedaraalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay gurriga Islow Maxammuud oo ah ninka haya maqaamka beesha mudoolood oo ku yaalla degmada Cabdicasiis , ayaa looga hadlay wadashaqeen dhexmarta beesha iyo xukuumadda iyo tabashooyin ay u gudbiyeen ra’iisal wasaaraha.

Islowga ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid ay dhigtay beesha isla markaana lagu casuumay ra’iisal wasaaraha oo isla shaley ka soo laabtay safar shaqo oo uu ku tagay waddamada Ingiriiska iyo Norway.

Wuxuu sheegay oo kale odayga beesha Mudulood in ra’iisal wasaaraha maadama uu daalnaa aaney wax badan loo sheegin laakin uu jiri doono kulan kale oo arrimo badan lagu soo bandhiggi doono.

Islow ayaa dhinaca kale sheegay in ra’iisal wasaaraha uu aqbalay in uu ka soo qeybgalo gogasha labaad ee arrimaha badan looga arrinsan doono si loo dhammeeyo madmadowga soo dhexgalay ra’iisal wasaaraha iyo beesha Mudulood.

Waa markii ugu horeysay oo ra’iisal wasaaraha uu kulan la yeesho beesha Mudulood tan iyo markii uu xafiiska qabtay.

Beesha Mudulood ayaa horrey ra’iisal wasaaraha ugu eedeesay in uu mas’uul ka ahaa xad gudubyo lagula dhaqaaqay siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda oo la weerarray guryahooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com