Xog: DFS oo Muungaab la damacsan 2 arrin oo adag (Sidee wax u socdaan?)

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorsho cusub oo uu xil dhimis ugu sameynaayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Madaxweyne Xassan uu xil dhiminstaasi kumaagay laba arrin oo ah, Mungaab oo ku mashquulay Arrimaha dibada oo aan isaga loogu tallo galin, safaro dalka ka baxsan iyo weliba diyaar garoow uu ugu jiro doorashada 2016 la filaayo inay ka dhacdo Somalia, waxa ayna taasi sababtay in Mungaab uu inta badan dhaqaalaha keyd ku shubo, sida ay xogtu sheegeyso

Madaxweyne Xassan ayaan xiligaani ku qanacsaneyn qaabka uu howsha u wado Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mungaab, waxa ayna arrintaasi ka danbeysay kadib markii Xassan sheikh uu gaaray cabashooyin ka imaaday dhanka Guddoomiyayaasha Degmooyinka oo iyagu aan la siin wax mushaar ku filan tan iyo markii xilkaasi loo dhiibay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu wadaa qorsho cusub oo uu xil ugu magacaabi doono Aggaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sambaloolshe, kaasi oo la filaayo in loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka ama Duqa Magaalada, waxa ayna dhici doontaa magacaabidiisa kadib soo laabashada Madaxweyne Xassan oo hadda ka maqan dalka.

Dhanka kale, waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu bedelo qaar ka tirsan Madaxda Gobolka Banaadir, wallow aysan jirin cid si gaar ah u garaneysa kuwa xilka laga qaadayo, balse waxaa hubaal ah in arrintaasi ay dhawaan dhaci doonto

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com