SARKAAL sare oo lagu dilay GAROOWE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, ayaa sheegaya in habeenimadii xalay halkaasi lagu dilay Sargaal ka tirsanaa Hay’adda Wadooyinka ee Maamul Goboleedka Puntland.

Wararku waxa ay sheegayaan in Sargaalkaasi lagu magacaabi jiray C/rashiid Bulxan Boqor Cismaan, waxaana dilka Sargaalka fuliyay Maleeshiyaad ku hubeysnaa Hubka fud-fudud.

Dilka Sargaalka ayaa la Tilmaamayaa inuu ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Hotel Towfiiq oo ku yaalla Bartamaha Magaalada Garoowe, iyadoona dilka kadib ay halkaasi ka baxsadeen Maleeshiyaadka dilka geystay.

Dhanka kale, sida caadaduba aheyd dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland, waxa ayna halkaasi ku qabqabteen dad lagu tuhmaayo dilkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com