Dal European ah oo shaaca ka qaaday heshiis dhex maraya DF & Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Norway ayaa daboolka ka qaaday in xiliyada nagu soo beegan wada heshiisiin ay dhex dhigi doonto Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaalilad oo ku kala aragti duwan Siyaasadaha dalka ka taagan.

Hadalkaani ayaa waxaa sheegay Wakiilka gaar ah ee dowladda Norway uqaabilsan dalka Soomaaliya, Mr Jens Mjaugel, waxa uuna Tilmaamay in Norway ay aad u daneyneyso wada hadal xiligaani dhex marta DF iyo Maamulka Somaliland.

Wakiilka ayaa waxa uu si gaar ah carabka ugu dhuftay in Ahmiyada ugu weyn ay tahay inay xal ka gaaraan hadalada ka baxsan xeen-daabka Siyaasada oo ay labada dhinac Warbaahinta isku mariyaan.

Sidoo kale, Mr Jens Mjaugel waxa uu ballan qaaday in Dowladda Norway ay ka qeybqaadaneyso sii socoshada wada hadalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Mr Jens Mjaugel Waxyabaha uu kala hadlay Maamulka Somaliland ayaa waxaa ka mid ahaa in dowlada Norway ay ka qeybqadaneyso sii socoshada wada hadalkii ka dhexeyay maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, dhameystirka wadahadalada iyo xal ka gaarida dagaalka afka ah oo ay labada dhinac hawada isu marinayaan.

Dhanka kale, Maamulka Somaliland ayaa soo dhaweeyay hadalka wakiilka Norway, waxa ayna ballan qaaden inay dhankooda ka adkeyn doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com