Ergada shirka KISMAAYO oo la qasbay

Kismaayo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah saraakiisha ku dhowdhow Barre Hiiraale ayaa sheegay in ergooyinka ka qeybgalaya shirka Kismaayo ay badi yihiin kuwa la soo qasbay.

Cabdi Shire Warsame waa afhayeenka Barre Hiiraale, wuxuu warbaahinta u sheegay in shirka Kismaayo ay xoog ku heestaan maamulka Axmed Madoobe, dadka ka soo qeybgalana ay yihiin kuwa la soo qasbay sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in ergooyinka ka qeybgalaya shirka lagu dhahay haddii aadan ka soo qeybgalin caawa ayaan la idiin soo dhacayaa.

Wuxuu bulshadda caalamka iyo dowladda fedaraalka ugu baaqay in ay arrintaas baaraan si shirka uusan carqalad ugu immaan.

Cabdi Shire oo hadda ku sugan Garbahaareey waxa uu ku celceliyay in shirka Garbahaareey ka furmaya maalinta Jimcaha uu yahay mid la doonayo in looga arrinsado xaaladda gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Hadalka sarkaalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo toddobaadkii labaad uu magaalada Kismaayo ka socdo shir dib u heshiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com