Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare waa nin ceynkee ah (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, G/sarre liibaan Cali Yarow, ayaa muddooyinkii la soo  dhaafay ahaa guddoomiyaha maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidammada Qalabka Sida, haddaba waa sidee heerka Khibrad iyo aqoon ee guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee Ciidammada Qalabka Sida.

Guddoomiye Liibaan Cali Yarow, ayaa ka tirsan saraakiisha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu soo maray heerar kala duwan sida, isaga oo ka soo baxay Jaamacadda (Universal Of Africa, Kalliyadda Sharciga iy Qaanuunka). Waddanka Suudaan.

Sidoo kale waxa uu soo qaatay tababarro kala duwan sida isaga oo ka soo baxay machad Al-Mushaa 2009-2010-kii, ee dalka Suudaan, halkaas oo uu ku soo qaatay tababar Garsoore.

1.Sannadkii 2003-2009, waxa uu soo noqdey macallin Iskuul.

2.Garsoore Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida sannadkii 2010-2011-kii.

3.Guddoomiyaha Maxkamadda darada 1-aad ee ciidammada Qalabka Sida ayuu soo qabtay hadana waa guddoomiyaha maxkamadda sarre ee ciidammada.

Waa nin Shahaada Master Degree ka soo diyaariyey Jaamacadda (Naayif Al-Carabiya  Lilculuum Al-Amniya, Sacuudiga Riyaadh, 2003.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com