MADOOBE oo si cad u diiday SHIRKA !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed, Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa uusan waxbo ka quseen shirka ka socda magaalada Baydhabo.

Isagoo u warramayay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ee Muqdisho, ayuu sheegay in shirka Baydhabo uu fowdo yahay lagana lee yahay dano gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale in wax seddax maamul la dhaho aanu jirin ee maamulka shacabka ay doorteen uu yahay maamulkiisa oo ka arrimiya gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose,Jubbooyinka iyo Gedo.

“Dowladda hadal ayey meesha ku heysaa laakin shacabka Baydhabo wax la taaban karo ayey hayaan marka maamulka saxda ah waa loo jeedaa” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.

Waxaa la weydiiyay sida uu ku oran karo waa shir fowdo ah mar haddii guddoomiyihii baarlamaanka iyo ra’iisak wasaaraha ay fureen shirka Baydhabo.

Wuxuu tilmaamay in shirka Baydhabo uu yahay mid qandaraas ay ku soo qaateen wasiiro iyo dad kale oo ka yimid magaalada Muqdisho.

Madoobe Nuunow ayaa weli ku adkeesanaya in uu yahay madaxweynaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com