“DF sida ay u soo daysay Axmed Daaci ha u soo deyso C/Maalik” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo maanta ka hadlaayay tabbabar loo soo gabagabeeyay qaar ka mid suxufiyiinta ka howgalla Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay xorriyadooda in ay dib u siio mulkiilaha Idaacadda maxalliga ee Shabeelle iyo labo wariye kale oo dowladda ay xirtay.

Hadalkan ayuu u sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow oo goobjoog ka ahaa kulanka.

Xildhibaan Dalxa ayaa yiri “Waan ognahay in la soo daayo raggii ku lug lahaa wixii ka dhacay xaafadda Madiino oo ninkii ugu weynaa ayaa la sii daayay, dowladda sida ay u sii deysay Axmed Daaci waa in ay u sii deyso Cabdi Maalik iyo Maxammuud Carab” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in saxaafadda Soomaaliya ay doorweyn ka qaadatay dib u dhiska dalka iyo horumarkiisa, sidaas darteedna dowladda looga baahan yahay in ay joojiso caburinta ay ku heyso saxaafadda madaxa banaan.

Dhinaca kale, Wasiir Mustaf Dhuxulow ayaa isna goobta ka sheegay in dowladda aaney damaanad qaadi karin ilaalinta ammaanka suxufiyiinta Muqdisho isagoona yiri awood uma lihin.

Wuxuu kalooo wasiirka beeniyay in dowladda ay dooneyso in ay caburiso saxaafadda madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

Hadalladan ayaa ku soo aadaya iyadoo muddo labo bil ka badan ay dowladda u xiran yihiin seddax wariye oo uu ku jirro mulkiilaha Idaacadda Shabeelle isla markaana labada Idaacad ee Shabeelle iyo SKY ay weli xiran yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com