Beesha Sade oo 3 shardi hordhigtay A/Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo maalmahaan ay socotay shirar dib u hishiisiin ah oo la qorsheynayay in lagu qabto magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa soo baxaya sharuudo Adag oo beesha Sadde siyaasiyiinteed ay hor dhigeen Axmed Madoobe.

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in siyaasiyinta SADDE oo isku duuban ay qodobo dhowr ah soo hordhigeen Axmed Madoobe, iyaga oo sheegay in qodobadaas marka la dhaqan geliyo iney shirarka ka qeyb galayaan.

Waxyaabaha lasoo hordhigay Axmed Madoobe waxaa kamid ah:-

1 ) In Shirku uu ka dhaco meel aan aan ahayn Magaalada Kismaayo,si loo sugo amniga dadka ka qaybgalayo, loona hubiyo in wax ka soo baxaya ay noqdaan wax ku yimaada xoriyada hadal iyo Fikir.

2) In Shirka Dib u heshiisiinta Beesha iyo Maamulka Jubbaland ay ka soo qayb gasho DF Soomaaliya uuna ahaado Wafdiga DF Soomaaliya ilaa Heer Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasyiin.

3) In Wadahalku uu ahaado mid u dhexeeya hogaanka ugu Sareeya Maamulka Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Gedo,islamarkaan ayna Fartaag iyo Xubnahan kale ee Gedo ka soo jeeda qayb ka ahaan doonin kana soo jeedsanaynin dhanka Maamulka Jubbaland.

Qorshaha wadahadalka iyo dib u hishiisiinta ayaa waxaa waddo xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Mr Diini.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com