25.9 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

Beesha Sheekhaal oo tabasho ka qabta habka loo maray awood qeybsiga Beelaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Cuqaasha, Odayaasha, Aqoonyahanka, siyaasiyiinta, iyo Dhalinyaradda Beel weynta Sheekhaal  oo ka dhacay Magaala Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, taariikhdu markay aheyd 29 Marso 2017,  ayaa waxay Beeshu  si cod buuxa leh uga cabanaysaa , isla markaana si wada jir ah  uga soo horjeedaa Saami la’aanta  Awood qeybsiga siyaasadda ee Golaha Wasiiradda ee  uu soo magacaabay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya Mudane: Xassan Cali Kheyre.

Beeshu waxay dhaliilaysaa go’aankaas, Waxayna hoosta ka xariiqaysaa in qaabka golaha wasiirada loo soo dhisay uusan ka turjumaynin hankii shacabka soomaliyeed sugayay ee ahaa dowlad ku dhisan cadaalad iyo hanaan siyaasadeed oo ka hufan eex iyo nin jeclaysi.

Sidaa owgeed,  beesha oo midaysan, waxay hogaanka sare ee  Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha u cadeynayaan in  Beeshu ay marnaba raali ka noqon doonin Saami la’aanta xukuumada cusub . Sidoo kale, waxay Beeshu cod dheer ugu Baaqayaan Hogaanka sare ee Dalka inay arinkaas dib u eegis ku sameeyaan.

Beesha waxay laf dhabar u tahay waxbarashda, ganacsiga, canshuur bixinta iyo arimaha bulshada ee dalka.

Beesha waxaa ka maqan xuquuqaad badan oo ay ku lahaayeen guud ahaan dowladda sida safaaradaha, agaasimayaasha guud, maareeyayaasha, hogaanka ciidanka iyo shaqaalaha dowladda.

Sidaas darteed, beeshu waxay mar labaad baaq u diraysaa in madaxda dowlada, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo R. Xassan Cali Khayre ay saxaan khaladka ka dhacay isla markaana ay beesha ka qaybgaliyaan hanaanka siyaasadeed ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News