Sawirro: Markab sida Konteenaro oo laga cabsi qabo inuu kusoo caariyo Dekadda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho Saaka kusoo xirtay Markab weyn oo sida shixnado Konteenar ah, kaa oo laga cabsi qabo inuu caariyo.

Markabkaani oo hadda ku sugan meel aan sidaa uga sii fogeyn Dekadda ayaan u suuroobin inuu kusoo xirto goobta loogu tallo galay waxaana cabsi laga qabaa inuu soo caariyo sababo la xiriira tanka saaran.

Markabkan ayaa sida konteenaro aad u farabadan waxaana la xaqiijiyay in Wadaha Markabka iyo shaqaalaha la socdo ay ku adkaatay in Markabka ay gaarsiiyaan halkii loogu tallo galay inuu ku xito, iyagoo sababta ka dhigay dayactir la’aan ka jirta goobta lagu xiri lahaa.

Markabkaani ayaa markii ugu horeeysay soo gaaray Xeebaha Somalia waxaana la xaqiijiyay inuu wado alaabo kala duwan oo ay leeyihiin Ganasato Soomaaliyeed.

Cabsida ugu weyn ee laga qabo ayaa ah in hadii Markabkan uu caariyo uu hakat ku imaan doono shaqada ka socta Dekkada magaalada Muqdisho, inkastoo lasoo sheegayo in iminka uu jiro rajo ku aadan in Caawa la badbaadiyo Markabka.

Sidoo kale, Illaa saddex Taag oo horay dowladda Jabuuti ugu deeqday dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaya inay markabkan u soo jiidaan dhinaca Dekeda, si Markabka xamuulka saaran looga dejiyo.

Labo asbuuc ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale Markab weyn oo konteenaro siday uu ku soo xiran waayay Dekeda.