25.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Beesha Xawaadla oo qaadatay go’aan cusub oo aad u adag (Shardigan ma buuxin karaa Xasan?)

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Iyadoo aay dhawaantan urur goboleedka IGAD ku armeen dowladda JFS in aay dhameystiraan maamul u sameynta gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, ayaa waxaa laga soo warinayaa magaalada Beledweyne in hoggaamiyaasha dhaqanka iyo siyaasadda beelaha dega gobolka Hiiraan aay go’aansadeen in aay hoos yimaadaan dowladda federaalka iyagoo markaa ka biyo diidan in aay ku biiraan maamul ahaan gobolka Sh. Dhexe.

Ugaaska beesha Xawaadle ayaa loo doortay in uu hoggaan u noqdo loogana danbeeyo aayaha gobolka isagoo markaa ka helay cod aqlabiyad ah dhammaan beelaha dega gobolka Hiiraan sida GaalJecel, Baadi Cadde, Jajeelle, iyo Makkane.

Madaxweynaha JFS ayaa lagu wadaa in uu booqasho aan la shaacin uu ku tago magaalada Beledweyne halkaasoo hadda aay joogaan shan ka mid ah xildhibaanada beesha Xawaadle iyo wasiirkooda Cabdirasaq Cumar.

Qaar ka mid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan oo u warramayay Caasimadda Online ayaa noo xaqiijiyay in ka gobol ahaan aanay ku biiro doonin Shabeelaha Dhexe aayna go’aansadeen in muddo labo sano ah aay hoos tagaan Federaalka, taasoo sharciga uu u ogol yahay. Ma rabno bey yiraahdeen in wixii ka dhacay Cadaado oo kale aay Jowhar ka dhacaan, annagoo og qorshaha Xasan Sheekh iyo Faarax Cabdulqaadir.

Dad reer Hiiraan oo dhaqan ahaan aay is leeyihiin walaalahooda Sh. Dhexe ayaa arrintan u arkay in la rabo in colaad laga dhex abuuro dad walaalo ah oo degaan iyo dhaqan soo jireen ahba uu ka dhexeeyo.

Arrintan ayaa keeni doontaa iska hor imaad siyaasadeed marka aay bilaabato soo xulista Xildhibaanada labada gole. Gobolka Hiiraan oo ka mid ahaa siddeedii gobol ee markii xornimada la qaatay. Reer Hiiraan waxaa aay weligood laf dhabar u ahaayeen siyaadda Soomaaliya, balse waayahan danbe ayaa waxaa soo if baxaya kooxo diiddan in gobolka uu kaalintiisa siyaasadda u madax bannaanaado iyadoo aanan la ogeyn waxa aay tahay cabsida laga qabo reer Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News