Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in arday wada dhigta iskuul ku yaala magaalada ay isku dhex dileen iskuul ku yaala magaalada Beledweyne.
Ardayda ayaa la sheegay inay dhiganayeen iskuulka Mujamac ee magaalada Beledweyne, waxaana geriyooday mid kamid ah ardayda halka ruuxa kale la sheegay inuu dhaawac soo gaaray.
Ardayda ayaa isku adeegsaday Aalada Tooreyda, waxaana isbitaalka magaalada Beledweyne la dhigay ruuxa dhaawaca uu soo gaaray, sida maamulka iskuulka ay xaqiijiyeen.
Ilaa iyo hadda lama sababta keentay inay labadaan arday isku weeraraan Toorey iyagoona waxkabaran jiray Iskuulka lagu magacaabo Mujamac ee ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.