Gaadiidka xamuulka qaada ee Muqdisho oo go’aan laga gaaray (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ahaa oo looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa gaadiidka xamuulka qaada ee mashquulka daran ku keena waddooyinka magaalada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaadiidka, maamulka gobolka Banaadir, taliska ciidamada booliska iyo hogaanka sare ee maareeyaha dekadda magaalada Muqdisho.

Kulankaasi ayaa waxaa kaso baxay go’aano lamid ah kuwo horey loosoo saaray oo dhaqan gali waayay, waxaana kamid ah in gaadiidka xamuulka qaada ay shaqeeyaan habeenkii, si maalintii aysan mashquul kale ugu keenin waddooyinka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in xal waara laga gaari dhibaatooyinka waddooyinka ay ku hayaan gaadiidka waaweyn isagoo u mahad celiyay wasaaradda gaadiidka iyo taliska booliska.

Arrintaan ayaa qeyb ka ah xaqiijinta ammaanka iyo in laga daba tago dadka falalka amni darada ka geysta magaalada Muqdisho, kuwaasi oo mararka qaarkii baxsan kara marka mashquul badan uu jiro.

Taliyaha ciidamada booliska oo saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in la xoojin doono sidii loo dhaqan gelin lahaa in gaadiidka waaweyn ay dekadda ka shaqeeyaan xiliga habeenkii ah.

Wuxuu sheegay in arintaasi ay kaalin weyn ka qaadan doonto sii loo yareyn lahaa gaadiidka tirada badan ee mararka qaar mashquulka xad dhaafka ah u keena waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codka guddoomiye Yariisow

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com