Belgium: Maxkamad 15 sano ku xukuntay siyaasi ka tirsan mucaaradka JABUUTI

Brussels (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Belgium ayaa 15 sano oo xarig ah ku xukuntay nin ka tirsan mucaaradka Jabuuti oo dibad joog ah kaddib markii lagu helay inuu jir dil u gaystay nin ay isku siyaasad ahaayeen oo la garaacay indhahana laga saaray.

Sida lagu sheegay xukunka, oo ay aragtay wakaaladda wararka AFP Talaadadii, Idriss Awaleh, oo 40 jir ah, ayaa lagu helay “jir dil ay qeyb ka aheyd luminta xubin” kadib markii bishii November 2016 weerar lagu qaaday Liibaan Moustapha Hassan oo 40 jir ah.

Eedeysanaha ayaa isla markiiba xabsiga la dhigay kadib markii 15-kii December ay xukuntay maxkamadda racfaanka ee Brussels.

Sida ku cad xukunka, maxkamaddu waxay sheegtay in labada nin ay ku lug lahaayeen siyaasadda mucaaradka Jabuuti, balse ay isku dhaceen intii uu socday khilaaf xooggan oo kooxeed.

Saacadihii hore ee November 6, 2016, taksiile ka shaqeynayay meel u dhow Porte de Namur, oo ah mid ka mid ah degmooyinka ganacsi ee ugu weyn caasimadda Belgium, ayaa wacay booliiska.

Waxa uu arkay Moustapha Hassan oo waddada dhinaceeda yaalla isaga oo nool, balse aad uga dhiig baxaya isha. Waxaa loo qaaday isbitaalka, wuuna badbaaday balse waa uu aragti beelay.

Moustapha ayaa booliska u sheegay inuu ahaa dhibbanaha weerar siyaasadeed.

Ku dhawaad 12 saac kadib, Idriss Awaleh oo ku dhashay Soomaaliya balse haysta dhalashooyinka Jabuuti iyo Holland ayaa tegay isbitaal kale oo ku yaalla Brussels isaga oo ilig uu ka maqan yahay, islamarkaana wejiga dhaawac uga yaallo. Halkaas ayaa kadib lagu xiray.

AFP, VOA