Beyle oo diiday inuu biixyo lacagtii ay dowladda ugu deeqay bulshada Afgooye

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa faah faahin ka bixiyey sababta illaa iyo hadda loo bixin la’ahay lacag nus Milyan Dollar ah oo uu ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre uu amray in la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan degmada Afgooye.

Beyle ayaa sheegay in aysan bixin doonin lacagtaas, haddii aan la helin hanaan cad oo looga hortagi karo in la musuq-maasuqo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la dhiso guddiyo gaar ah oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka ee degmada Afgooye.

Wasiirka maaliyadda oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in muhiim tahay in laga wada qeyb qaato gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay degmada Afgooye iyo guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayay, iyada oo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ku eedeeyeen wasaaradda maaliyadda inay ku dhagan tahay lacagaha loogu deeqay shacabka degmada Afgooye, taas oo uu 20 beri ka hor ku dhawaaqay ras’iisul wasaarihii la riday, Xasan Cali Khayre, xilli uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Si kastaba ha’ahaatee dadka degan magaalada Afgooye ayaanan weli helin gar-gaar ku filan, waxaana qaarkood ay ku dhibaateysan yihiin duleedka magaalada Muqdisho, gaarahaan deegaanka Garasbaaley oo ay maaalmihii u dambeeyey u soo barakaceen.